berberatoday.com
Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo La Waydiiyey Nooca Uu Yahay Isbeddelka Uu Soo Wadaa, Hadday WADDANI Hormood U Yihiin Wasiirradii Hore Ee UDUB Iyo KULMIYE Ee Dalka Boobay
October 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka jawaabay Su’aal laga waydiiyey waxa uu noqonayo Isbeddelka uu ballan-qaaday haddii uu Talada Dalka ku guuleysto, maaddaama oo ay Xisbiga WADDANI ka buuxaan Wasiirro iyo Siyaasiyiin kale oo ka mid ahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwii ka horreeyay.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa fagaareyaal badan ka sheegay in Somaliland u baahan tahay isbeddel dhanka hoggaanka ah, haddii uu isagu Doorashada Madaxweyne-nimo ku guuleystana uu isbeddelkaa samayn doono, laakiin Weriye Sagal Mustafe Xasan Nuur oo ka mid ah Idaacadda VOA iyo Telefiishanka RTN, ayaa kulan Saxaafadeed uu Musharraxu qabtay ku waydiisay Su’aal u dhignayd sidan “Inta badan waxaad ku celcelisaa in haddii aad Talada Dalka ku guuleysato aad samaynayso isbeddel, laakiin haddii ay Xisbigaaga WADDANI ka buuxaan Siyaasiyiin ka soo shaqeeyay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Dalka soo maray, waa maxay isbeddelka aad samaynaysaa..” ?

Musharraxa Madaxweynaha WADDANI oo su’aashaa ka jawaabaya ayaa yidhi “Waa Run oo Isbeddel-baanu ku dhawaaqnay, waxay kalmaddu ka timid dareenka Shacabka, markaa kalmadda isbeddel waa dareen aanu ka qaadanay Shacabka Somaliland. Waa Dhab Wasiirro badan baa soo galay Xisbiga, ama UDUB haka tirsanaadaan ama KULMIYE haku soo jireene, oo waa Xaqiiqo jirta. Wasiirrada noo yimid, ama Dawladdii hore haka tirsanaadaan ama Dawladda KULMIYE haka tirsanaadaane, waxaanu heshiis ku nahay inay toodii hore iska iloobaan oo ay Barnaamijka Xisbiga ee hadda jira ee isbeddelka ku salaysan ku wada shaqayno. Waxaan qabaa inay qayb ka noqonayaan Barnaamijkaas, waxay ku shaqaynayaan barnaamijkaas aanu Shacabka ku hoggaaminayo, Anigaana ku hoggaaminaya isbeddelkaas, markaa Qofkii aan isbeddelkaa la socon karaynin wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hadho. Markaa waxaan qabaa Wasiir-buu KULMIYE ama UDUB ka ahaa waxba nagaga xumaan-maayaan, oo waxa hadda heshiisku yahay in dareenkaa Shacabku isbeddelka ku doonayo ka wada-shaqayno haddii ILAAHAY yidhaahdo.”

Musharraxa WADDANI waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxa uu kaga duwan yahay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee u tartamaya Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “Waxaan Qarankan u shaqeeyay 12 Sannadood oo aan ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaan is leeyahay Waayo-aragnimada iyo Khibradda Kursiga lagu socdo ayaan kaga duwanahay. Muddadaa waxaan isku soo waday 82 Mudane oo Golaha Wakiillada ah oo matalaya Afarta Milyan ee Shacabka Somaliland ka kooban yahay, waxaan isku waday in si khibradi ku jirto in Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtidu ay wada shaqeeyaan, khilaafaadkii ka dhex dhalanayeyna la xaddido, taas oo aan is leeyahay waad ku guuleysatay. Waxaan kaga duwanahay waxaan la soo shaqeeyay Waaxyaha Qaranka, hadday tahay fulinta oo aan la shaqeeyay laba Madaxweyne iyo laba Maamul. Waxaan ahay Oday wax badan og, waxaan ogahay Xidhiidhka Somaliland la leedahay Beesha Caalamka, waxaan ogahay Xidhiidhka waaxyaha Qaranka, waxaan ogahay wixii Dalkan u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin, waxaan ogahay wixii qalloocday iyo siday u qalloocdeen iyo Ciddii Qalloocisay. Waxaan kale oo aan is leeyahay halkaan fadhiyey (Wakiillada) iyo halka aan ku socdaana waxay isku jireen wax ka yar 50 Mitir, markaa waxaan is leeyahay labada Oday ee kaleba hawsha aanu ku soconno waan uga waayo-aragsanahay, waan uga dhawayahay, waxaanan is leeyahay waad kaga habboon tahay.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews