berberatoday.com
Warbaahinta Itoobiya Oo Xogo Ka Heshay Sababtii Loo Gubay Xafiiskii Somaliland Ku Laheyd Dalka Itoobiya
October 15, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wargeyska The Reporter eek a soo baxa magalada Addis Ababa ayaa baahiyaya xoggo laga helay nin dhawan dab qabadsiiyay qaybo ka mid ah xafiiska diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
Wargeysku waxaa uu sheegay in uu xogo ka helay saraakiil Booliska ka tirsan oo dhacdadan iyo ninka loo qabtay badhaayey ayna u xaqiijiyeen in ninka falkaas geystay uu ahaa nin dhawaan laga soo musaafuriyey Somaliland kaas oo ku dooday in la baro kiciyey .

Sidoo kale Wargeysku waxaa uu sheegay in dhacadadan ay badhayeen booliska degada Bole ee Addis Ababa ay u xaqiijiyeen in eedaysanuhu uu ka mid ahaa qaxoontiga Itooiya ee deganaa Hargeysa kaas oo ka mid ahaa dad Hargeya laga soo saaray markii ay dhawaan rabashaduhu ka dhex Bilaabmeen Somalida iyo Oromada
Wargeysku isaga oo soo xiganaya xogaha Booliska ka helay waxaa uu yidhi
“Eedeysanahu waa uu qirtey danbiga waxaanu ku andacoodey in ay jawaab u tahay barakicin lagu sameeyey ” ayuu yidhi wargeyska The Reporter oo soo xiganaya ilo xog ogaal ahoo boolis ah .
Ninka ayaa la sheegay in uu dusha uga soo dhacay Dayrka xayndaabka u ah xafiiska Somaliland kadibna uu dab qabadsiiyey waxaana sidan xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Booliska magaalada Addis Ababa oo ka gaabsadey in magaciisa la sheego , waxaana uu intaas ku daray in ninkan eedeysanaha ah oo aan wali magaciisa la baahin uu ciidamada Booliska isku dhiibey ka dib markii uu falka geystay .
Falkan dabka ah ee lagu wax yeeleeyey xafiiska Somaliland ayaa waxaa markiiba ka jawaabey ciidamada Dabdamiska ee Addis ababa oo ku yimid goobta 46 daqiiqo gudahood , waxaana hantida halkaaas ku khasaartey lagu qiyaasay boqol kun oo Bir .
Madaxda xafiiska Somaliland ee Itoobiya ayaa waxaa ay iyaguna arintan dhacdey u gudbiyeen wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ” Haa waa lanugo soo war galiyey falkaas ” sidaas waxaa yidhi Meles Alem oo ah afhayeenka wasaarada arimaha dibada oo u waramey Wargeyskan , waxaana aad loo xoojiyey amaanka duleedka xafiiskan safarada u ah Somaliland oo aad loo adkeeyey iyada oo ay war bixintu sheegtay in la qabtey ilaaliyihii markaas falku dhacay shaqada ku jiray oo markii danbe la sii daayey .
Wakiilada Somaliland ee dalka Itoobiya Cali Salaan Jirde ayaa isna Wargeys-ka u xaqiijiyey dhacdadan waxaase uu ka gaabsadey in uu faahfaahin ka bixiyo isaga oo sheegay in arintan lagu hayo baadhis aanu ka hor dhaceen
Source:- Geeska
COMMENTS
|