berberatoday.com
Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo Maraysa 230 Ruux, Siina Kordhaysa iyo Wararkii u Dambeeyey
October 16, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Allaah ha u naxariistee Tirada Dadka ku dhintay Qaraxyo shalay Muqdisho gilgilay, ayaa sii korodhay, isla markaana Maanta inta la xaqiijiyey maraysa 230 Ruux, halka Dad badan oo dhimasho lagu tirinayo Qoysaskoodu baadi goobayaan weli, iyada oo dhaawacuna gaadhay Boqol iyo dheeraad Qof.

Saraakisha ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 230 qof ay ku dhinteen qaraxaasi shalay ka dhacay Muqdisho. Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in tirada ay intaasi ka badnaan karto. Dad badan oo ay ku dumeen Dhismayaal, ayaa la rumaysan yahay inay badi dhinteen, halka kuwo dhaawacyo ahna laga heli karo Burburka Qaraxyadu sababeen oo ay Kooxaha Gurmadku weli ku hawlan yihiin.

Qaraxyada Khasaaran faraha badan sababay, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ugu horreeyay ayaa ka dhacay isgooyska Zoobe ee badhtamaha magaalada oo ah isgooys aad u mashquul badan, kaas oo la sheegay in loo adeegsaday Gaadhi TM ah oo nooca Xamuulka ah oo walxaha qarxa lagu soo raray. Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay, ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madoow oo Cirka isku shareeray, markii goob Shidaalka lagu Keydiyo oo ka agdhawayd halka Qaraxu ka dhacay ay Gubatay.

Ma cadda illaa iyo immika caddii ka dambaysay qaraxan. Balse, waxa hubal ah in uu qaraxani ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu ku warramay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga Idaacadda BBC-da ee Muqdisho Maxamed Ibraahin Aadan. Waxaana lagu bartilmaameedsaday Qaraxa ugu xoogga badan Waddo mashquul badan oo ay ku yaallaan Huteello iyo Xafiisyo ay dawladdu leedahay.

Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo Baroor-diiq loo samaeynayo Dadkii ku waxyeelloobay qaraxaas. Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Farriin muuqaal ah oo xalay laga baahiyay Taleefishinka Qaranka Soomaaliya, ku yidhi; “Walaalayaal waxaan qaraxii maanta dhacay ku waynay dad badan oo bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, sidaa darteed waxaan ku dhawaaqayaa saddex maalmood oo baroordiiq ah iyo calanka jamhuuriyadda in hoos loo dhigo.”

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u midoobaan cadawga banneystay dhiiggooda iyo maalkooda, una taagan inuu carqaladeeyo nabadgelyada.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo, waxaanu ku baaqay in Soomaalida ay meel iska dhigto kala qeybsanaanta uu sheegay in aanay u adeegayn danaha qaranka si looga adkaado buu yidhi Cadawga dhibaatadaas gaystay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews