berberatoday.com
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Sababeeyey Diga-rogashada Mabda’iisa Siyaasiga Ah Iyo Waxbaayabaha Ku Kellifay In Uu KULMIYE Kusoo Laabto
October 16, 2017 - Written by Berbera Today

“Labadaba Nin [Muuse Biixi & Cirro] , Nin Iiga Aqoon Badani Ma Jiro, Labadii Baan Isku Miisaamey, Waxaanan Arkay In     Danta Guud, Go’aan [Qaadashadu] Iyo Runniba  Ay Ku Jirto Muuse, Go’aan Ku Jiro Muuse”

 

“Waagii KULMIYE Iyo UDUB La Ahaa’ba Qabyaaladdu Way Sii Tirtirmaysay Haseyeeshe Dib-bey Inoogu Soo Laabtay, Waxaan Leeyahay Waa Laga Bixi Doona Qabyaaladda”

“Horta  Anigu ma ihi nin guulwade ah’e Maalintii dhawayd ee aan Soo Gelayay (KULMIYE-na) Waan Sheegay  oo Waxna Wey Qabteen, Waxna Wey Xumeeyeen Baan idhi Laakin……..” – Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka warramay sida labada murrashax ee KULMIYE iyo WADDANI ay ugu kala mudan yihiin jagada madaxweynaha, taasi oo uu ku sifeeyey inay kala go’aan adag yihiin, danta guudna ku kula duwan yihiin, runta iyo waayo aragnimadana ay ku kala duwan yihiin sida look ala sheegayo. Xil. Siciid oo maalintii shalay waraysi kooban siiyey telefishanka STAR waxaa uu shacbiga ku hambalyeeyey sidii ay uga qayb galeen hawshii kaadh qaadashada codbixinta ee natiijadiisa ay  dhawaan soo saareen komishanka doorashooyinku. “ Horta maalintii dhawayd een soo galayey (KULMIYE) waan sheegay, waxna wey qabteen waxna wey xumeeyeen baan idhi, taa anigu ma ihi nin guulwade ah halkan aan imid maan odhan, guddomiyuhuna wuu balan qaaday iney saxaan wixii laga tagay haddii alle idhaah dhaliilina ma jirto ee doorashaa jirta kulmiye-naan ahay, kulmiyaanan dhisayaa gudoomiye-hasaanan dhisayaa, labada guddomiye-na waanan  aqaaney muuse-na waan aqaaney cabdiraxmaan-na waan aqaaney labadaba nin iga aqoon badan ma jirto, labadiibanan isku miisaamey waxaanan arkay in danta guud ku jirto muuse, go’aan ku jiro muuse runina ku jirto muuse, waayo aragnimo ku jirto muuse inahaas banan qaatay  danta guudna ku jirto muuse.” Ayuu yidhi xildhibaan siciid cilmi rooble waxaanu intaas ku daray: “horta anigu aad umaan guurguurin kulmiye ayaan ka guuray oo waddani baan u guuray hadana waxaan ku soo noqday kulmiyehaygii, siyaasadaydu halka ay ka bilaabmatay ee runtii aan ku indho dilaacsaday kulmiye ayuu ahaa, kulmiyehaygiina waan ku soo noqday nin meel kale oo fog tagayna ma yihi, waxaanan leeyahay siyaasadu waa dan, anigu danta umadda ayaan eegaa, dan shaqsi ma eego ta umaddana halkaan ka waayo waan ka tagaa, hadii aan doonayo dan ii gaar ah bari hore ayaan dhargi lahaa, laakiin waxa weeyi anigu waxaan u naftayda u huraa inankayga iyo inamo da’diisa ah iyo kuwa jaamacadaha ka soo baxay iyo qaranka reer Somaliland ayaan anigu dantooda eegaa, hal allale iyo halka dan umadded ayaa ku jirta”. Xildhibaanka ayaa sheegay inan danta guud laga horaysiinin danta gaar ka ah waxaanu yidhi:“Somaliland waxaan ku arkay anigu danta gaar ka ah ayaa laga horaysiiyaa danta guud, marka ta guud la helo ayaa ta gaarka ihina tamaada” sidoo kale waxaa uu xildhibaanku hambalyeeyey shacabka reer Somaliland sida ay u qaateen kadhadhkii codadka waxaanu yidhi: “halkan waxaan doonaya inaan kalmad madaxda oo dhami ilawday baan doonaya inaan shacbiga reer Somaliland uga sheego halkan, marka hore shacbiga Somaliland waan hambalyeynayaa, waxaad ka war qabtaan inay sideed boqol iyo wax is diwaan galiyeen waxaa kadhadhkii qaadatay todoba boqol iyo siyaado, halkaa boqol kun oo kaliya ayaa iska dhimay iyadoo abaari jirtay oo dhibaatooyin jirtay oo aad ogaydeen waxa ina soo maray ayaa hadana dadaal aad iyo aad ah u mujiyeen, shacbiga waxaan leeyahay hambalyo hambalyo”ayuu yidhi xildhibaan siciid cilmi rooble. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlayey in ay wakhti uun iman doonto dumuqraadiyada lagu dhaqmo ayaa yidhi: “waxaad ka war qabtaan inaynu dumuqraadiyad qaadanay haseyeeshe hadana dumuqraadiyadeeni may taabo galin waxaynu nahay dad qabaaliya, laakiin qabaaligooda runtii isku dhawri jiray waxaan leeyahay arintaana run ahaantii waa la gaadhidoona xili xisbiyadu taabo galaan oo aynu ka baxno qabyaalada, waagii kulmiye iyo udub la ahaaba qabyaaladu way sii tirtirmaysay haseyeeshe dibey inoogu soo laabtay, waxaan leeyahay qabyaalada waa laga bixi doona”.

 

xigasho Hubaalmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews