berberatoday.com
Blackwater Mise Alshabaab? W/Q Mohamed Abdi Hassan Diridhaba
October 17, 2017 - Written by Berbera Today

Blackwater Mise Alshabaab?

Afhayeenkii hore ahaana guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xarakadda Alshabaab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo isagu dhawaan isku soo dhiibay xukuumadda dalka Soomaaliya, isla markaana hadda ku nool magaaladda Muqdisho, ayaa maanta isagoo la hadlaayay warbaahinta magaalada Muqdisho, wuxuu afka ku dhuftay,inuu jiro dareen ah in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, ee ay ku dhinteen dadka ku dhaw 400 boqol ee qof ay ka danbeeyeen kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee loo yaqaano Black Water, ee ay maalgeliso haayadda sirdoonka u qaabilsan dalka maraykanka ee loo yaqaano C.I.A.

Haddaba 8 saacadood ee ugu danbeeyey, waxaan baadhitaan ku samaynaayay, cidda ay yahiin kooxda Black Water, sidii loo sameeyey, meelaha ay ka hawlgallaan adduunyada, kooxdani jinsiyadaha ay iskugu jiraan, qallabka ay isticmaalaan, iyo cidda maalgelisa.

Waa Ayo Black Water?

Kooxdani loo yaqaano Black Water waxaa la sameeyey sannadkii 1997 kii, waxaa lahaa fekradda lagu dhisay samaynta kooxdani sarkaal ka tirsana ciidamadda bedda ee dalka maraykanka oo la yidhaahdo Erik Prince, haddaad booqato bogga ay ku leeyahiin internetka, waxay isku sheegeen inay yahiin shariikad qaabilsan dhinaca ammaanka iyo nabadgelyada oo mashaariic maalgelin ah ka qaadata dawladda maraykanka.

Balse xogo qarsoon oo la shaaciyay sannadkii 2001 dii ilaa 2014 kii, ayaa tilmaamaya in kooxdani calooshooda u shaqaystayaasha ah ee Blackwater ay yahiin laan ka hoos shaqaysa haayadda sirdoonka u qaabilsan dalka maraykanka ee C.I.A-da.

Dr. Peter W. Singer oo ah qora isla markaana ah caalim ku takhususay culuumta ammaanka iyo militeryga (security and military expert), kana tirsan mac-hadka Brookings, ayaa qoraal uu ku daabacay bogga Brooking sannadkii 2007-dii, wuxuu ciwaan uga dhigay “Runta madaw ee ka danbaysa kooxda Blackwater”.

Qoraagu wuxuu markii ugu horaysay shaaciyay, in kooxda Blackwater ay tiradoodu ku dhawdahay ilaa 160,000 oo nin, oo u tababaran sida kamandoosta, isla markaana ka hawlgalla in ka badan 80 dal oo adduunyada ah, raggaasi waxay jinsiyadoodu iskugu jiraan maraykan, Colombian, South African, Dutch, ingiriis, Faransiis, Danish, Canadian, Boqortuqiis, Spanish, Brazilian iyo East European.

Sannadkii 2005-tii, ayaa wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka iyo haayadda CIA waxay u ogolaadeen kooxda Blackwater inay gudaha usoo gallaan dalka Ciraaq, waxaana ay ka fuliyeen dalka Ciraaq hawgallo ilaa 5000 kor u dhaafaayay, qoraaga qormadani wuxuu sheegay, in sannadkii 2007-dii bishii September 16-keedii uu qarax weyni ka dhacay meel ku teedsan suuq weyn oo ku yaalla magaalada Baqdad. Halkaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhaw ilaa laba boqol oo ruux, wuxuu qoraagu sheegay, in markii baadhitaan la sameeyey walxaha loo adeegsaday qaraxaasi laga hellay caddaymo muujinaya, in kooxda Blackwater gacan ku lahayd.

Raysal wasaarahii hore ee dalka Ciraaq Nuural Al Malki, ayaa marka dalbaday in baadhitaan madax bannaan arrintani lagu sameeyo, balse waxaa arrinta soo dhex gallay oo danbabaray saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka, muddo ka dibna, waxaa qallabka warbaahinta laga saaray soo hadal qaadka caddaymahasi.

Qoraagu wuxuu sheegaya, in isaga iyo koox khubaro ah oo la socota ay isla bishii September ee qaraxu dhacay, ay tageen magaalada Baqdad, si ay arrintani usii raad-raacaan, balse wuxuu sheegay in loogu henjabay in la khaarajin doono, hadddii uu joojin waayo baadhitaanka iyo daba galka arrintani ku saabsan.

Bishii July sannadkii 2016 kii, ayaa waxaa soo baxay warar tilmaamaya in ilaa 4 kun oo askari oo ka tirsan kooxda Blackwater, ay ku suganyahiin gudaha dalka Yemen.

Bishii March 21 keedii, sannadkii 2015 kii, ayaa qarax weyn lala beegsaday masaajid shiicadu ku leedahay gudaha magaalada Sanca, ee caasimadda dalka Yemen, waxaa ku dhintay qaraxaasi 137 qof, oo ka mid ahaa dadkii masaajidka ku cibadaysanaayay, inyar ka dib ayaa la sheegay in kooxda la baxday ISIS ay sheegatay qaraxaasi, balse, sida uu ku doodayo Dr. Payne, oo ah khabiir ka tirsan mac-hadka daraasaadka siyaasadda iyo ammaanka ee Chicago, sheegashadda ISIS ayaan ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

sagaal bilood ka dib qaraxaasi, ayaa lagu arkay gudaha magaalada Sanca ciidamadda Blackwater oo gaaf wareegaya dariiqyada magaalada.

Qormadani ta xigta ayaan ku eegi doona kooxda Blackwater Soomaaliya ma joogaan, waxaan ku eegi doona taariikhda ay ku lahaayeen dagaaladda ka dhacay Soomaaliya, xogo badan ila soco

Walaalkiin Diridhaba

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 7 people, people smiling, outdoor

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews