Muqdisho(Berberatoday.com)-waxa hadda ka dagtay diyaarad militari oo laga leeyahay dalka Qatar oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad.
Sidoo kale, diyaarad militari oo Mareykanku leeyahay ayaa dhowaan ka degtay caasimadda Soomaaliya taas oo qalab caafimaad iyo dawo u sita dhaawaca.
Deeqda caafimaad ee ka timid Maraykanka waxa wareejiyay ku simaha safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Martin Dale, waxana ka gudoomay duqa caasimadda Muqdisho Tabit Cabdi.
Waxaa la filayaa in dalal kale ay kaalmo gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya si wax loogu qabto dadkii ku waxyeeloobay weerarkii sabtidii.
Wuxuu ahaa qarixii ugu xoogga badnaa ee Soomaaliya ka dhaca muddadii dagaalka sokeeye uu socday.
Sidoo kale, wuxuu noqday qarixii sababay dhimashadii ugu badnayd. Dad badan ayaa weli raadinaya eheladooda oo aan raq iyo ruux midna lagu hayn.