berberatoday.com
Dawladda Qatar Oo Dalalka Khaliijka Ku Eedaysay In Ay Soomaaliya Iyo Siyaasiyiinteedaba Ku Hayaan Cadaadis
October 17, 2017 - Written by Berbera Today

Qatar(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar Sheekh Muxammed Bin Cabdaraxmaan Aala Thaani ayaa sheegay in sababta shan dal oo Afrikaan ahi ay ugu codayn waayeen murashaxoodii u tartamayey agaasimaha guud ee hay’adda UNESCO ay ahayd cadaadis kaga yimid dalalka Khaliijka iyo Masar ee khilaafku ka dhexeeyo Qatar, waxa aanu si gaar ah u xusay dalalka Comoros iyo Soomaaliya oo u codayn waayey murashaxa Qatar in uu cadaadis xooggani kaga yimi dawladaha Khaliijka.

Wasiirka oo dhowaan waraysi siiyey majaladda Jeune Afrique ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa ku dooday in guuldarradii murashaxa dalkiisu kala kulmay doorashada UNESCO ay ahayd mu’aamarad ay dawladaha xayiraadda ku haya Qatar dhigeen, waxa aanu ku tilmaamay khiyaano iyo dhabarjebin  kaga timi dad ay u haysteen walaalahood. Waxa uu wasiirku ka digay in dalalka Qatar khilaafku ka dhexeeyaa ay ka shaqaynayaan sidii ay xasilooni darro uga abuuri lahaayeen Qatar, taladeeda iyo qarannimadeedana ula wareegi lahaayeen.

Waraysigan oo ay majaladda Juene Afrique si gaar ah ugu eegaysay raadka uu khilaafka Qatar iyo Sucuudigu ku yeeshay dalalka Afrika, ayaa waxa uu wasiirku ku sheegay in dalalka Afrika badankoodu ay diideen cadaadiska dalalka Khaliijku ku saarayeen in ay Qatar ka qaataan go’aan la mid ah kooda, marka laga reebo dalal yar oo uu sheegay in ay dhibbane u yihiin haddidaad kaga timid dalalkan ama in lacag aad u badan loo soo bandhigay.

Waraysigan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda wararka ee ‘Bawaabatu Sharq’  ayaa wasiirka oo la weydiiyey in uu tusaale u keeno dalalka la haddiday waxa uu soo qaatay dalka Comoros oo uu sheegay in Qatar ay hore u siisay caawimooyin badan, mashaariic horumarineedna ka fulisay, laakiin uu dalkaasi si u qaadan waa ku noqotay, mar keliya u beddelay xidhiidhkii uu Qatar la lahaa, sababtuna ay tahay dhaqaale indho-sarcaad ah oo loo soo bandhigay, isaga oo dalka labaad oo Soomaaliya ah ka hadlayana waxa uu wasiirku yidhi, “Soomaaliya ayaa iyaduna markii ay u hoggaansami weyday (Sucuudiga iyo Imaaraadka) waxa ay la kulantay falal aargoosi ah, tusaale ahaan waxaa la joojiyey caawimadii bani’aadamnimo ee dawladda [Soomaaliya] la siin jiray, siyaasiyiinta Soomaalida qaar ka mid ahna waa la haddiday” Waxa se uu sheegay in arrintaasi aanay waxba ka beddelin go’aanka dhexdhexaadnimo ee Soomaaliya, isaga oo hadalka sii watana waxa uu yihi, “Laakiin iyada oo ay sidaas tahay, haddana xukuumadda Soomaaliya waa ay adkaysatay oo ay ku taagnaatay go’aankeeda”

Dhinaca kalana waxa uu wasiirku sheegay in sababta dalka Jabbuuti u taageeray Isbahaysiga Afarta ah ee Qatar ka soo horjeedaa ay tahay, Sucuudiga iyo Imaaraadka oo xidhiidh adag la leh dalka Jabbuuti, gaar ahaan dhinaca dekedda Dooraaleh, dhowaanna uu Sucuudigu saldhig milateri ka samaysanayo Jabbuuti. Waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Qatar sheegay in markii ay Jabbuuti qaadatay go’aanka ay kula safatay Imaaraadka ay Qatar kaga jawaabtay in ay ciidamadeedii nabad ilaalinta kala baxaan xuduudka u dhexeeya Jabbuuti iyo Ereteriya. “Markii aanu la baxnay ciidankayaga, laba iyo toban saacadood gudahood ayaa ay ciidamada Ereteriya ku galeen dhulkaas, waxa aanay taasi si fiican inoo tusaysaa sida ay dhibaatada Khaliijku u raadaysay Qaaradda Afrika” ayaa uu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu wasiir Muxammed Aala Thaani sheegay in dalka Senegal oo marka hore la saftay Xulafada Afarta ah ee Khaliijku uu markii dambe qaladkiisa gartay oo uu madaxweynaha dalkaasi la soo xidhiidhay Amiirka Qatar, isaga oo codsanaya in uu safiirkii dalkiisa dib ugu soo celiyo Qatar.

Ugu dambayntii wasiirku waxa uu sheegay in dalalka Afrika qaarkood baahida ay caawimada u qabaan ku kallifayso in ay taageeraan Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qatar ka soo horjeeda, sidaa awgeed aanay canaan arrintaas ku lahayn.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews