berberatoday.com
Shirkada Sharaabka Soo Saarta Ee SBI Oo Shaqaalihii Deegaanka Jaleelo Ka Caydhisay Wershada, Kuna Bedeshay Oromo Iyo Dad Kale Oo Aan Muwaadiniin Aheyn
October 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warshadda Sharaabka ee SBI ( Somaliland Beverage Industries) Waxa la aas-aasay lagana hirgaliyay Waddanka muddo laga joogo 5 Sannadood iyo badh, waxaanay ka koobantahay qaybo kala duwan Sida qaybta Sharaabka SBI, qaybta caanaha (LIS), iyo qaybta biyaha (Dasani). Waxaana ay ku taallaa Degmada Laas-geel gaar ahaan Deegaanka Jaleelo oo Waqooyi Bari 30 kiilo mitir ka xiga Caasimadda Hargaysa. Jaleelo waa deegaan caan ku ah Biyaha iyo waxsoo saarka Beeraha, iyadoo biyahana looga soo dhaamiyo Caasimadda xilliyada jiilaalkii ee badi ay biyuhu ka dhamaadaan deegaannada ka sokeeya oo dhan. Warshadda SBI markii laga bineeyay Jaleelo waxa ay sheegeen dadka deegaanku in ay ku heshiiyeen in ay deegaanka horumarkiisa ka qayb qaadato gaar ahaan Baahiyaha aasaasiga ah sida Caafimaadka, Waxbarashada IWM, taasoo ay sheegeen in maamulka shirkaddu ay ka baxeeen heshiishkii la wada gaadhay kaasoo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen:- In shaqaalaha 70% deegaanku uu yeelan doono. In baahiyaha caafimaadka iyo waxbarashada wax ka qaban doono kambanigu maadaama uu deegaanka Khayraadkiisa munaafacaadsado Kambanigu.
Waxay intaasi ku dareen in maamulaha Shirkadda Mustafe Geelle uu yahay qofka xaqqii deegaanku ku lahaa kambaniga duudsiyay, isla markaana shaqaale yar oo deegaanka ugu jiray ka eryay kuna badalay qaar ay isku hayb yihiin isaga. Waxa ay sheegeen in Shaqaalaha deegaanka ee muruq-maalka ah lagu tacaddiyo, iyada oo aan la siin yoomka ama shaqada ay qabtaan mushqaayad u dhiganta. Iyada oo kambanigu yoomka ku bixiyo 30,000 oo Shilin oo bilaa raashin ah. Halka beeralayda deegaanku Shaqaalaha ushaqeeya siiyaan 60,000 oo Shilin iyo raashinkaba. Iyaga oo weliba shaqaalaha beerta warshadu ay qabaan dhibaato gaar ah oo ka geddisan shaqaalaha beeraha ee deegaanka. Markii ay cawdeena dheg jalaq loo siin waayay laguna bedelay Oromo ajinabi ah markii ay isaga tageen tacaddiga lagu hayo.
Iyadoo sidoo kale Cunsuriyad iyo handedaad lagu hayo shaqaalaha deegaanka ee warshadda iyagoo aan loo ogolayn inay horumarin ku sameeyaan shaqadooda, ama aan la dalacsiin.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Dhibaatooyin badan ay Warshaddu u horseedday deegaanka sida biyo yaraan taasoo ay keentay Biyaha Xaddiga badan ee ay Warshaddu isticmaasho 24saacba iyadoo ku soo saarta Sharaabka iyo Biyaha ugu badan ee waddankoo dhan laga isticmaalo. Sidoo kale waxa jirta Dhibaato ay ku sababtay warshaddu Beerihii deegaanka iyagoo sheegay in cayayaan ama dulinka beeraha oo ka dhashay warshadda kaas oo faro ba’an ku haya wax soo saarkii Beeralayda deegaanka.
Ugu dambayntii qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka iyo Ururka Talo maal oo Deegaanka jaleelo ka dhisan ayaa ku gooddiyay in haddii aanu Mulkiilaha Shirkadda SBI siinayn Deegaanka ay ku taallo xuquuqdiisa in aan wada shaqayn dambe dhex mari doonin, Una raro warshadda deegaanka haybtiisu tahay ee uu ka doorbiday deegaanka ay Warshaddu khayraadkiisa munaafacaadsado.
Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews