berberatoday.com
Kulmiye Kuma Kasban Karo Musuqa Iyo Boobka Hantida Ummadda Caqliga Codbixiyayaasha Somaliland ! Abdirahman Fidhinle
October 18, 2017 - Written by Berbera Today

Waxaa nasiib daro ah in 18 kaa Shirkadood ee hoos ku qoran ay dalka xidhmo xidhmada uqaybsaday aan weli Golaha Baarlamaanka.

fidhinle

 

Mudadii xukuumada Kulmiye ay dalka hagaysay waxay liisamo siisay ilaa iyo 18 shirkadood oo kala ah kuwa shidaalka iyo macdanta baadha waxaana ay shirkadahaasi  dhul aad ubaaxad leh u qaybsadeed xidhmo xidhmo ama ( Block by Block ) sida caadiga ah marka shirkadaha liisan la siiyo waxay bixiyaan lacagta xaqal qalinka ee loo yaqaan ( Bonus Money ) taas lacagtaa badhkeed loo qoondeeyey in degaanada baadhitaanku ka socdo lagu horumariyo oo wax loogu qabto taasina  Somaliland marna kamay dhicin.

 

Waxaa nasiib daro ah in 18 kaa Shirkadood ee hoos ku qoran ay dalka xidhmo xidhmada uqaybsaday aan weli Golaha Baarlamaanka la hor keenin si ay muraadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

 

Waxaana ka mid ah shirkadahaa :  Genal Energey,  DNO, ASDAN, RAK-GAS, AVEAL, ASANTI OIL, ORPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP, Shirkada ugu dhulka balaadhan waa shirkada cusub ee BGP ( China National Petroleum Company ) waxaa jirta iyana Hayada balaadhan ee  DFIT ( Department of international Development ) taas oo iyana wada 6 mashruuc oo waaweyn oo tamarta qoraxda soo saarin doona mashaariicdaas oo aan ilaa hada hayadaha sharci dejinta aan la horkeenin si ay muraadkooda sharci uga gutaan. </span<>

 

Shirkada Chineska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka xaalufisa ayaa dhawaan Wasiirka macdantu sheegay in aanay wax badan ka fadhataysan buurta shirkadaasi ee ilaa iyo hada ay 3 container oo min 20 feet ah uun gurteen dawladana $20 kun oo dollar oo cashuur ah u soo xareeyeen. Taasna waxaanu leenahay Wasiirka Doobir baa lagaa yidhi !!

Shirkada Genel Energy waxay qiratey in ay ilaa iyo $ 45 million doolar dib ugu celineyso Degaanada ay Shidaalka ka baadheyso. ilaa iyo hada mudadii dheereyd ee Wasiirkaasi uu wasaaradda Macdanta iyo Tamarta uu xuurtada ku haystay waxa uu qirtay in uu $5 Million oo dollar oo keliya uu khasnada dawlada ku shubay.waxaase laysku raacay in lacagta  sheerarka lagu galay ee la  lunsaday ay aad uga  badan tahay lacagtaa uu khasnada dawlada ku shubay.

 

Waxaa iyana jira 4 shirkadood oo cusub oo iyagana la siiyey Liisanka Macadan baadhista, ku waas oo iyana lagu dabo jiro magacyadooda dhabta ah iyo dhulka baaxada leh ee ay baadhitaanka ka wadaan.maadaama ay hawshaa dalka ka wadaan hada, waxaana Wasiirka afkiisa laga guntay in shirkadahaas howsha wadaa ay hada  wada ( active ) yihiin.

Waxaa iyana Argagax iyo anfariir ku noqotay shacabka Somaliland markii Xukuumadu soo qayd-xanbaaratay Heshiiska ay UAE iyo isbahaysiga carbeed kaga kireynayso Saldhiga Ciidanka Cirka ee magaalada Berbera , taas oo loo qoondeeyey dhul baaxadiisu gaadhayso ilaa iyo 70-80 km oo iskuwareeg ah. lacagta laga dhawaajiyey in dhulka baaxadaa leh lagu kireynaayo mudo dheer oo 25 sanadood ah ayaa lagu qiyaasay in ay tahay $1.2 Million dollar oo keliya. Taasna shacabka Somaliland  waxay u arkaan “ Aan la Fudee Allow Fiihaa ” Allow Fiihaa ” !!

 

Waxaa shacabka reer Somaliland hore ula socdeen in Dekeda Berbera mudo dheer oo 30 sanadood ah lagu wareejiyey shirkada DPW taas oo la kala saxeexday heshiis qabyo qoraal ah oo  aan waafaqsaneyn heshiisyada caalamiga ah ee aduunka, waxaana Xukuumadu Dekedii qaranka ku bedelatay $5 Million oo doolar oo xaqul qalin ah iyo $5 million oo kiro ah.

 

Guntii iyo Gebagebadii : Waxaan shacab weynaha reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay foojignaadaan oo dhulkooda ilaa shadaan kana dareen celiyaan falalka ku lidka ah noloshooda, degaankooda iyo aminigooda codkoodana ugu hiiliyaan xisbiga isbedel doonka ah ee waddani si dalka loo dalka loogu soo celiyo midnimo qaran iyo kefedii miisanka ee sharciga aheyd.”Anigu Daaha kama rogine ee dadkuba wuu arkaayaa!! shacabow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso. !!

 

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

inafidhinle@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews