berberatoday.com
Baashe Morgan Iyo Qoyska Madaxtooyada Oo Shirkada DP World Ka Dalbaday Lacag Qadimaada Oo La Xidhiidha Saamiga Dekeda Berbera Somaliland Ku Leedahay Iyo Shirkada Oo Ku Gacan Seydhay
October 19, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wiilka Madaxweyne Siilanyo uu Sodoga Uyahay Baashe Morgan oo maalmihii udanbeeyay kusugnaa Berbera ayaa damacsan qorshe lagu soo dajiyay Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa kaas oo la xidhiidha in shirkada DP World ee Dekeda berbera Maamulkeeda laga kireeyay ee saamigana ay ku leeyihiin Xukumada Somaliland iyo dawlada Itoobiya ayaa waxay qoyska madaxooyadu doonayaan in loo sii qadimo lacagta saamiga lixda bilood ee sanadkan hadhay iyo lixda bilood ee sanadkia danbe ee 2018ka.

Qorshahan oo uu gadhwadeen ka yahay Wiilka Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee Somaliland wakiilka uga ah dalka isutaga imniraatka carabta islamarkaana ah ninka ka danbeeyay kireynta Dekeda berbera iyo saldhiga ciidan ee Berbera laga wado dhismihiisa ayaa doonaya inuu dalka kasii boobo lacagtii ugu danbaysay ee uu qaato maadama oo Madaxweynahaha Siilanyaha sodoga u ahi mudo 3o maalmood kadib uu hogaaminta dalka wareejin doono Madaxweyne Cusubna la dooran doono.

Qoyska Madxtooyada ayaa hore uqaatay saamigii ay kumlahaayeen Maaliyada Dekeda Berbera kasoo xerootay lixdii bilood ee hore ee sanadkan halka ay hada badi goob ugu jiraan sii gacan marinta lixda bilood ee Sanadkan sii dhamanaaya ka hadhay iyo lixda bilood ee sanadka Danbe siday sheegayan xogaha rasmiga ah ee aanu warkan kasoo xiganay.

Qorshahan Qoyska Madaxtooyada ee wakhtigoodii 30ka maalmood ka hadheen wataan ayaa waxa ku gacan seydhay shirkada maamulka Dekeda berbera maamusha oo la sheegay inay diideen iyaga oo usheegay Bashe Morgan iyo Wasiirada Madaxtooyada Maxamud Xaashi Iyo Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo oo qorshahan macal qabad ka ahaa halka uu diiday wasiirkii Arimaha Debeda ee shaqad lahaa sidoo kale Waxa wax lala yaabo ah halka uu kasoo galay Maamulka Dekeda iyo heshiisyadeeda Wasiirka Qorsheynta Qaranku.

Waxyaabaha layaab kale ee la ogaaday waxa kamida in dhamaan laga reebay Safarka Madaxweynaha dhamaan gacan yarayaashii warbaahinta ee Madaxtooyada ee kasoo jeeday beelaha kale marka laga reebo labada beelood ee ku midoobay qorshaha adhax jabka ah ee Jeegaanta loogu yeedho.

 

Baashe Morgan ayaa waxa unacamlaynaya oo qorshaha kala shaqeynaya warbaahin ahaa ninka lagu magacaabo Khadar Cali Gaas oo hore u ahaan jiray Maareyihii Tvga qaranka hadana ku magacaaban Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Warbaahinta shaqo alaale shaqo uu hayaana aanay jirin marka laga reebo unacamlaynta Baashe Morgan oo uu hoos xaabo.

Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa Baashe Morgan alababada ka xidhay kadib markay ogaadeen in ay taageerada shacabka ku waayayaan Wiilkan Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee hadimada iyo boobka dhinac walba ah dalka ka gaystay waxaanu mudadiiuu Hargeysa joogayna kujoogay dhuumasho dhabarku muuqdo.

Madaxweyne Siilanyo ayaa Wiilka uu sodoga Uyahay ee hantida shacabka Somaliland ku mamay Berbera ukeenay inuu sawir ku bixiyo Madaxweynaha si shirkada DP World Lacagtaas u ogolaato Hase yeeshee Shirkada waa iska garatay waanay diiday bixinta Lacagtaas wakhtigeedii aan joogin wakhtiga kala guurka ahna kujirta.

Sidoo Kale Madaxweyne Siilanyo oo la filaayay Safarka uu Berbera kuyimi inuu sii dhagax dhigi doono Dhismaha Dekedii Cusbayd ee la sheegaayay inay heshiiska ku jirto lana bilaabi doono dhismaheeda sanadka ugu horeeeya dhexdiisa ayaa xadhiga ka jaray Laba wiish iyo laba Foogliif oo shirkada DP World Dekeda Berbera usoo iibisay sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay dhu lagu sheegay Free Zoneka Dekeda Berbera yeelan doonto waxaana gabi ahaanba been noqotay dhismaha Dekedii lalahaa waa la dhisayaa .

Isku soo Wada duuboo Shirkada DP world oo ka warqabta in dalka doorasho ka dhici doonto maalmo kooban kadib ayaa diiday qorshaha ay wataan Qoyska Madaxtooyadu ee Berberana loo keenay Madaxweynaha, shirkada DP World ayaa sheegtay in aanay suurgal ahayn in lacagtaas aan wakhtigeedii gaadhin ee aan soo xeroon oo lagu qiyaasay 10 milyan oo dollar aan la bixin karin wakhtigan hadii la bixyana ay iyaga ku go,ayso madama oo Xukumad Cusubi dalka iman doonto 13 bisha november 2017ka  taas oo kula xisaabtami doonta saamiga Xukumad ahaan ay yeelan doonaan hadiiba aanay Heshiiskaba tuurin iyada oo aan kalsooni buuxdaba lagu qabin in heshiiskani madmadawga badani ka muuqdaa sii jiri doono.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews