berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Maxamed Biixi Yoonis Oo Balan Qaaday Inuu Xisbiga Waddani Soo Celin Doono Dhamaan Hantidii Qaranka Ee La Boobay
October 19, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis; wasiirkii hore ee arimaha dibada haddana ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani ayaa shacbiga Somalilad u balan qaaday in xisbiga Waddani uu soo celin doono dhamaan hantida umadda ee la iibiyay intii arimaha doorashooyinka haatan loo diyaar garoobayay.

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu si cad u sheegay in aanay cidna ka xisbi ahaan u dayn doonin hantida umadda ee guryaha u badan ee la iibsaday, waxaanu shacabiga ugu baaqay in aanay ka qayb galin boobka hantida umadda, waxa uu arimahan ka sheegay xaflad Hargeyesa ku qabsoontay oo ay taageerayaal ku soo dhawaynayeen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi

 

 

”Hantidii umada ee la qaatay ee aan loo abaa yeelin inaanu umada u soo celino, balan ayaanu idinka qaadaynaa in hantidii umaddu lahayd guryaheedii, dekadaheedii iyo madaaradeedii iyo waxii la boobay ee maanta lays leeyahay ka sii gaadhsiiya waanu idiin soo celinaynaa, dadka iibsanaaya waxaanu leenahay waar ka fogaada waa xaaraan waxaad iibsanaysaan umadda ayaa leh oo umadda waxeedii ayaad iibsanaysaan, waanu idinka soo qaadi doontaa beri markaanu qabsano, u tudhi mayno qofna, qofna u aabo yeeli mayno, xabaalaheenii ayaa la iibinayaa oo maanta maalin ay ka xuntahay inamay soo marin, haddaanu nahay Waddani waxaanu balan idiinku qaadaynaa in hantidiinii gacantiina lagu soo celiyo, in shacabiga Somaliland uu u sinaado shaqada inaanu bulshada wax u qabano, inaanu shaqo la’aantaas maanta dalka ka taagan aanu wax ka qabano inaanu ilaha dhaqaalah kobcino, inaanu waxa aynu soo saarayno aanu kordhino, inaanu caruurta tahriibta tagaysa maalin walba aanu shaqo u samayno, inaanu xirfad ay ku shaqaystaan u samayno, inaanu khayaraadka badan ee Alle ina siiyay ee wadankneena ku jira aynu dadkeena u soo saarno, aqoonteedii, cilmigeedii iyo aragtideediiba waa aynu leenahay. inaan dadkeena saboolnimada ka saarno.”

https://youtu.be/d6p67inplrw?t=1

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews