berberatoday.com
Mujaahid Axmed Mire Oo Mar Kale Hadlay Difaacayna Qoraalkiisii Hore Ee Muranka Dhaliyay Iyo Fariin Kaloo Guubaabo Ah Oo Doorashada La Xidhiidhana Uu Soo Diray
October 19, 2017 - Written by Berbera Today
Waxaan salaamayaa dhammaan ummada Soomaliland meel kasta oo ay joogaan ACWB.Dadku intaa way hadlayaan waxase yaab leh aniga oo muddo badan idin eegayey haddii aan maalin hadlay maxaa gulufka kiciyey? Miyaanan mujaahid wadankiisa xaq ku leh ahayn? Miyaanan muwaadin xor ah oo ra’yigiisa cabirikara ahayn? Miyaanan xaq u lahayn inaan ka waramo wixii aan S/L ku soo arkay? Miyaanan bogaadin, dhaliilo, toosin, soo jeedin tallo bixin intaba xaq u lahayn? Maxaa odhaahdayda loo bedelayaa oo dhiilo aan jirin looga abuurayaa? Hasha maqaarka diidaysaa dalool bay ka eegtaa. Waxaan leeyahay ficilkaasi wuxuu lid ku yahay diimuqraadiyda, xoriyatal qawlka,xaqa distooriga ah ee muwaadinka, xurmada mujaahidka iyo dadka maamuuska ka mudan qaranka iyo anshaxa islaamka ee maguuraanka ah.
Anigu nin wax og baan ahay dulqaad leh illaahayna aaminsan la iiga biqimaayo dagaal oogid, qolo ku macaash xaashaa lilaah. Waxaan ahay kan dhawraya ee ilaalinaya nabada iyo midnimada qaranka. Dhuuni uma dhex joogee dhaqashaan u dhex joogaa. Waxaan dhawaaq dheer ku sheegayaa oon ku celcelinayaa qabiil qaran ma dhiso. Taariikhdu waxay sheegaysaa cadaalad darrada ayaa colaadaha kicisa oo dumisa nabadda waxa walaalnimada iyo midnimada xoojiyaa waa cadaalada iyadaa lawada hadhsadaa guul, nabadna iyo horumarba lagu gaadhaa. Dadka bedelaya nuxurka aan ka hadlay ee xoojinta diimuqraadiyad iyo maamul wanaaga ee la wareegaya isku dirka qabiil kicinta iyo naxliga dheg ha u digina garaadkiina yaan hoose loo digin wax idinku boorinayaa nabad midnimo iyo diimuqraadiyad xalla ah oo ilbaxnimo ku dheehantahay.Raad arooryo dib looma raaco xumo sheega iska qabta. War xunow lagu waa.
Maanta dulucda hadalkaygu wuxuu ku wajahan yahay xaalada adag ee dalku hadda marayo. Waxa inagu soo fool leh kaambeynkii doorashada hogaanka dalka. Waxaan idiin sheegayaa siyaasadu colaad ma aha dalkuna ma guurayo dadkana illahay baa isbaday meelana kala tegi maayaan. Ha loo arko tartan loo baratamaayo tayo gelinta horumarka dalka. Waxa lagu kala baxayaana waa codka muwaadiniinta dalkooda jecel.Waxaan ummadayda ku boorinayaa madax iyo manjaba in la illaaliyo nabada oo lagu fara adaygo, gaar ahaan maamulka waxaan leeyahay wareegtooyinka aad soo saartaan dhaqan geliya, waxaan gar u taabanayaa in ammarada loo gudbiyo gobolada iyo degmooyinka ila heer tuulo.Xisbiyaduna ha ku sugnaadaan barnaamijyada siyaasadeed isla markaasina ha ilaaliyaan anshaxana,cidii isku dayda in ay khal khal galiso nabadana waa in dhan looga soo wada jeestaa, waxaan idin xasuusinayaa in aduun weynuhu isha inagu hayo.
Barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleena.
Axmed Mire
Xigasho Qarannews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews