berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Shacabka Ku Dhaqan Degmada Go.da Yar Oo Weerar Ku Qaaday Wefti Kasocday Xisbiga Kulmiye Oo Xafiisyo Ka Furaanayay Iyo Wariye Mubaarig Nirig Oo Dhaawacy La Gaadhsiiyay
October 19, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wafti Kasocday Xisbiga Kulmiye oo ay hogaaminayeen Gudida Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil oo saaka Safar shaqo oo la xidhiidha Furista Xafiisyo Xisbigu Ku yeelan doono Deegaamada Go,da Weyn iyo Go,da yar ukalahay saaka ayaa waxa weerar ku qaaday Shacabka Ku dhaqan Tuulada Go,da Yar kadib markii Waftigu Gaadhay halkaas Waxaanay Budhadh lagu boobay Wariye Mubaarig Nirig oo waftigaas la socday kana duubaayay shaqada ay halkaas utageen ee Xafiisyo Furista ah Kadib markii uu is yidhi sawir guud ka qaado waftiga iyo gaadiidka ay wateen oo si isdaba socoda Tuulada udhexmaraayay.

 Waxaanu Wariyaha oo nala soo xidhiidhay noo sheegay inuu soo gadhay Dhaawac ka gaadhay gacanta iyo dhabarka oo budh lagala dhacay sidoo kale waxa uu wariyuhu sheegay in iyagana waxyeelo la gadhsiiyay qaar kamida waftiga uu La socday ee katirsan Xisbiga Kulmiye iyo gaadiidka ay wqateen oo dhagax la tuuraayay waxyeelo gaadhsiiyay,

Wariye Mubaarig Nirig ayaa ah Wakiil wareedka Tvga Star ahna Tafatiraha Guud ee shabakada Wararka ee Ceelgardenews.com.

Waftiga Xisbiga Kulmiye ee ololaha ayaa markii weerarkaasi shiidka iyo budhadhka ah lagu qaaday si deg deg ah uga baxay tuulada Go,da Yar oo gaadhay degmada Go,da Weyn oo shaqadoodii xafiisyo furista ka sii watay maadama oo Go,da Weyni Leedahay Saldhig Boolis oo Ciidamo amaan joogaan.

Tuulada Go,da Yar ee Waftiga Xisbiga Kulmiye iyo Wariyaha La socday lagu wareeray ayaa kamida Deegaamo hoosaadka uu kasoo Jeedo Musharax Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro.

Wariye Mubaarig Nirig oo hada Jidka Kusoo Jira isaga oo dhawaacyo qaba ayaa noo xaqiijiyay Warkan isaga oo dhaawacyo ka qaba Gacanta iyo dhabarka oo budh lagaga dhuftay sidoo kale waftiga lagu waareray shiid iyo qeylo ay kala horyimaadeen dadka Kudhaqan Tuulada Go,da Yar isna hortaageen shaqadii Xisbiga Kulmiye halkaas ka fushan lahaa iyada oo Tuulada aanay lahayn Saldhig Boolis iyo Rug Ciidan amaan.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews