berberatoday.com
Warbixino Kala Duwan Oo Laga Helay Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay Iyo Goobaha Lagu Waday
October 19, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xoggo kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya kaas oo noqday mid gaystay khasaarihii ugu badnaa ee abid ka dhaca Muqdisho.

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in qaraxaasi uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo askari oo Soomaali ah.

Dhinaca kalana, agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in bamki lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Ilaa iyo iminka lama hayo cid sheegatay masuuliyadiisa.

Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale idaacadda VOA-da u xaqiijiyay in ay su,aalo weydiinayaan darawalka baabuur Toyota Noah ah oo isna Sabtidi hore ku qarxay magaalada Muqdisho. Waxay kaloo sheegeen in ay xidheen afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabab isla markaana lala xidhiidinaayo qarraxi lagu baaba’ay ee Muqdisho.

Geesta kale wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa  qoray warbixin dheer oo ku saabsan cidda fulisay Qaraxaas.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Saraakiisha baadhaya Weerarkaasi lagu dilay in ka badan 300 qof ayaa rumeysan in Qaraxaasi ahaa mid looga aar-goosanayey Hawlgalladdii ay Milliteriga Maraykanka hoggaaminayeen ee ay bishii Augost ka fuliyeen Deegaanka Bariire ee duleedka Muqdisho.

Wargeyska The Guardian ayaa ka soo xigtay Saraakiil ku sugan gudaha Somaliya in Ninkii geystay Qaraxaasi uu ahaan Askari ka tirsanaa Milliteriga Somaliya,  kaas oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Bariire oo ay 2 bilood ka hor weerareen Ciiddanka DFS iyo kuwa Khaaska ee Marakanka, halkaasi oo lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa.

Saraakiisha la hadashay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Askarigii fuliyey Qaraxaasi uu ku soo biiray Ciiddanka Milliteriga Somaliya sannadkii 2010-kii, kadibna uu ku biiray  Alshabaab abaarihii 2012-kii, waa sida uu qoray Wargeyskaasi.

Si kastaba ha ahaate qaraxan ayaa gaystay khasaarihii ugu badnaa. Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarraxi 14-ki October ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux. Tiro intaasi ka badan ayaa ku dhaawacme

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews