berberatoday.com
Boqoradaha Qudhaanjadu Waxa Ay Dhaqan U Leeyihiin In Ay Aasaan Kuwa Ka Dhinta, Sababtuna Waa Xikmadan
October 20, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Xeeldheereyaasha nolosha ma yeedhaanka ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in boqaradda boqortooyada qudhaanjadu ay aasto saaxiibbadeeda la ologga ah ee dhinta, sababtuna ay tahay iyada oo ka hortegeysa in xanuunka ay saaxiibaddaasi u dhimatay uu u gudbo kuwa kale ama in uu cudurku ku dhex faafo boqortooyada.

Qudhaanjada waxaa caadi ahaan boqorad u noqota mid dheddig. Mararka qaarkood waxaa dhacda in boqortooyadu ay yeelato dhowr boqoradood, tusaale ahaan waa mararka aanu jirin hoy wada qaadi karaa. Laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah in boqoradahaasi aanay marnaba isku khilaafin sida loo maaraynayo nolosha iyo hawlaha boqortooyada, waxaa ay ku wada nool yihiin is-afgarasho, waxaa iyaduna muhiim ah in qudhaanjada shaqaalaha ah (xoogga) ee boqortooyadu aanu wax khilaaf ahi mar keliya soo dhexgelayn iyaga oo haddana ka kala amar qaadanaya labada boqoradood.

Haddaba haddii boqoradahan midkood dhimato, qaabka loola macaamilayaa waa laba mid uun:

– Haddii ay boqoraddaasi marka hore ahayd mid awooddeedi dhisan tahay oo leh shaqaale u adeega , shaqaalahas ayaa qaata hawsha oo inta ay bakhtigeeda ka soo saaraan hoyga/godka bannaanka soo dhiga.

– Haddii aanay shaqaale lahayn boqoradda dhimatay, boqoradda kale ayaa hawshaas qabata oo qaadda bakhtiga boqoradda.

Boqortooyada qudhaanjadu waxa ay u qaybsan tahay laba qaybood oo ah qaybta shaqaalaha iyo xoogga boqortooyada ah iyo qaybta boqoradda ku xeeran ee u adeega isla markaana ilaaliya. Qaybtaas hore waa qudhaanjada kale oo dhan, laakiin qaybta dambe waa qudhaanjada ay boqoraddu dhashay oo keliya. Markaa inta ay iyadu dhasho ayuun baa noqotay adeegeyaasheeda gaarka ah ee ku xeeran boqoradda dhaxalka lihina ka soo dhex baxayso. Markaa boqoradda aan shaqaalaha lahayni waa ta aan weli ogxaan samayn ee aanay ubad u adeegaa ka farcamin.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxaa sameeyey cilmibaadheyaal ka tirsan maxadka Sayniska iyo tiknoolajiyadda ee dalka Usteri, waxa aana natiijadeeda lagu faafiyey majaladda BMC oo cilmiga noolaha iyo tadawurka uu sameeyo. Tijaabooyinka cilmibaadhistanna waxaa lagu ogaaday marka qudhaanjada dhimata ay boqoraddu aasayso in ay marka hore bakhtigeeda jarjarto oo waslado aad u yaryar ka dhigto, kadib aasayso.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews