berberatoday.com
Daawo Sawirada Weriye Mubaarig Nirig Iyo Dhaawacyada Kasoo Gaadhay Weerarkii Shacabka Tuulada Go,da Yari Ku Qaadeen Waftigii Xisbiga Kulmiye Uu La Socday
October 20, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Siday Horeba usoo sheegnay Qaar Kamida Shacabka Ku dhaqan Tuulada Go,da Yar oo Katirsan Degmada Go,da Weyn ee Gobolka Saaxil ayaa weerar ku Qaaday Shalay Wefti Kasocday Xisbiga Kulmiye oo Deegamadaas ku maraayay Safar shaqo oo la xidhiidha fusrista Xafiisyo Xisbigaasi ku yeelan doono deegamadaas.

Weerarkaas oo Wariye Mubaarig Nirig uu kasoo gaadhay dhawac uu sababeen Budhadh ay la dhaceen laba nin oo kmida dadka weerar gacan ka hadalka ah ku qaaday Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gudida ololaha ee Xisbigaas dhawaacyada wariyaha gaadhay oo kaga dhacay gacanta iyo dhabarka ayaa ah kuwo barar kaga tagay iyada oo wariyaha oo xalay fiidkii berbera soo gaadhay hada dhawaciisa lagu daaweynayo Cisbataalka Berbera.

Wariye Mubaarig Nirig ayaa sheegay in aanu waxba uga suuragalin hawshii Xisbiga Kulmiye Tuulada Go,da Yar utagay sidoo kale cfiidamo boolis oo Tuuladaas joogayna aanay qabanin ragii weerar ku qaaday isaga iyo Xisbiga uu la socday ee uu warka ka duubaayay.

Talaadaban ayaa noqonaysi midii ugu horeysay ee Wariye Hawl maalmeedkiisa gudanaya lagu weeraro iyo waliba Xisbi qaran oo degmo dalka somaliland kamida xafiis ka furanaya waana dhaqan fool xun oo ugub ku ah tartanka asxaabta qaranka iyo xoriyada saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland Hadii aan wax laga qabana waxa dhici doonta in shacabka Somaliland deegaamada kala sheegto oo laysu talaabi waayo ninkastaana uu deegaamadiisa uu kadinka ka istaagi doono cid aanu taageersanaynina aanay tagi doonin taasina waxay noqonaysaa mid aan qaran ahaan ina dhaqan oo meel kaga dhacaysa waxa aynu qaadnay ee Dimuguraadiyada 

 

Xisbiga Kulmiye oo dhacadadan weerarka ah lagu qaaday iyo Xisbiga Waddani oo lagu xidhiidhiyay inay taageerayaal ay u ahaayeen dadka shacabka ah ee falkaas gaystay ayaan ilaa hada wax wara midkoodna ka soosaarin dhacdadan.

dhinaca Kale Wariye Mubaarig Nirig ayaa saacadaha soo socda hadli doona oo kawarami doonay sida wax udhaceen iyo dhaawacyada soo gaadhay maadama oo Warbaahinta madaxa banaani tahay mid ugarsoorta Xisbiyada Qaranka dhacdo kasta oo ay usoo joogaana soo abndhiga.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews