Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Golihiisa Wasiirada Ku Amray Inaanay Gaadiidka Dawladda U Isticmaalin Ololaha Doorashada
October 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Salaasadii shir aan caadi ahayn isugu yeedhay golihiisa wasiirada, kaas oo socday qiyaastii laba saacadood, waxaana shirkaas goob-joog ka ahaa guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
