Maxaad Ka Taqaanaa Cuntooyinka Sababi Kara Noocyo Kansarka Ka Mid Ah
October 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cudurrada dunida maanta ugu khatarta badan waxaa ka mid ah Kansarka oo noocyo kala duwan leh. Sababaha ugu badan ee keenana waxa ay dhakhaatiirtu ku sheegeen nidaamka cunto oo aad uga qaldama dadka. Cilmibaadhiso kala duwan oo arrintan lagu sameeyey ayaa daahfuray in ay jiraan maaddooyin kansar oo cuntooyin badan oo aad loo isticmaalo ku qarsoon, sabab toos ahna u noqda in qofka uu ku dhaco cudurkan aan dawada lahayn oo khatar nololeed ku malaayiin dad ah oo dunida ku nool.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay qaar ka mid ah cuntooyinka keeni kara kansarka ee ay tahay in laga dheeraado.