berberatoday.com
“Dawladdu Waa Inay Talaabo Ka Qaado Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Ku Ololeeya Qabyaalad”Axmed Yuusuf Yasin
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay ololaha iyo loolanka Xisbiyada, waxaanu ka digay in lagu ololeeyo Qabyaalada, waxaanu Dawladda ugu baaqay in talaabo laga qaado Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta ku ololeeyana qabyaalada, si ay u dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi.

. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada ugu baaqay inay taageerayaashooda ku booriyaan inay nabadgalyada ilaaliyaan, Xisbi walbana maalintiisa uu ololaha u leeyahay la xurmeeya, waxaanu ugu horeyn yidhi   “Xisbi waliba maalin ayuu ololaha u leeyahay, ee waa in Xisbi waliba maalintiisa la xurmeeyo, goobaha maalintaas laga ololeeynayana waa in loo daayo Xisbiga maalintaas leh, ololahana ha laga daayo qabyaalada, Dawladdu waa inay talaabo ka qaado salaadiinta iyo siyaasiyiinta ku ololeeya qabyaalad, si aanay dadku  cadaawadi u soo kala dhex galin, inooguna dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi,umana baahnin Qabyaalad in lagu ololeeyo, oo Doorashada lagu galo, ee  Xisbi kasta barnaamijkiisa ha ku ololeeyo,  Shacabkuna waa inay ilaaliyaan nabadgalyada, walibana waa in nimanka Siyaasiyiinta ahi ay taageerayaashooda ku booriyaan maalmaha ay ololeeynayaan si fiican oo qalaalse iyo dhib lahayn, oo isku dhac ahayn ay u ololeeyaan, Nabadgalyada in la ilaaliyo, oo laga hor tago wax kasta oo Nabadgalyada wax yeelaya ayaan ku baaqayaa, ”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey Gaadiidka iyo Ololaha  ayaa yidhi “Basaska la kiraynayo, ee la saarayo dadka ololeynaya, waa in aad looga taxadiraa, oo la saara dad masuuliyiin ah, oo ka masuul ah ninka gaadhiga wada iyo shacabkaba, oo joojiya dadka gaadhiga dhexdisa ka caytamaya, taasina waa masuuliyad saaran Xisbiga laftiisa, Gaadiidka ay Xisbiyadu kiraysanayaana waa in si taxadir leh loo wada”.

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews