berberatoday.com
Qormada 1-aad, Ka bogo musuqa $153.5 million Dollar ah ee lagu lunsaday Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeisa. Qalinkii A/rahman Fidhinle UK.
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

Waxaynu ka wada dheregsanahay in inyar shacabka Somaliland ay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah., Shacabka  Malyuunka kor u dhaafay ee caasimadda Hargeysa ku nooli ayaaney iyana helin biyo qasabadeed oo joogto ah. Dhinaca miyiga reer-guuraagu weli sidiibaa abaaraha jiilaalkii biyo-la’aantu u haysataa. Waxay Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay in ay hirgeliso biyo-gelin buuxda oo ay Caasimadda Hargeysa ku sameyso si  ugu yaraan 40% Shacabka caasimadu ay uhelaan biyo nadiif ah oo joogta ah. In kasta oo lacag $153.5 Million dollar lagu raamsaday balaadhinta biyo gelinta Caasimada Hargeisa hadana sanqada iyo qarjam-qarjamtii raamsigaa lacagta badan  ee la lunsaday ilaa hada waa lagu dabo jiraa baadi-goobkeeda, Arintaasina  waxay fashilisay oo fadeexad qaawan ku noqotay  Xukuumada kulmiye ee talada haysa markii ay dib-u-habyn iyo tayeyn buuxda ku samayn weyday Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyadoo ka  shidaal qaadanaysa oo la kaashanaysa waaya-aragnimada caasimadaha mandaqadaha inagu xeeran..

Boowe ! Bal hoos udhugo oo u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ka ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo laguna horumariyo Biyo gelinta Caasimada Hargeisa oo ilaa iyo hada ay Biyo la’aan baahsani ay ka jirto Caasimada:

1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar – meeday lacagtaasi ?

2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii  ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ku jirto.

3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay dawlada JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa$8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta  balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii higsiga qaranka ee 2012-2016  biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar.

5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada  Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar- meeday lacagtaasi ?

6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta  Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa isna  Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar

9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) markuu yaabay wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.

Isku darka  lacagahaa aan kor ku soo xusay ayaa noqonaysa Total:  $153.5 Million Dollar . iyana lacagaha faraha badan ee loo qoondeeyey Qorshe Hawleedyada Higsiga Qaranka ee (2012-2016 ) ee mashaariicda dib u habeynta iyo  horumarinta fidinta biyaha Caasimada Hargeisa ayaa ilaa hada laga haraadan yahay. Waxaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo fo’aan araga aqoon yahanka  reer Hargeisa ay isweydiinayaan meesha ay lacagtaasi martay iyo ceel biyoodyada ay ku baxday lacagtaa tirade badan ee Malaayinka Dollar ka kor u dhaaftay ee Aduunku inoogu deeqay.

Anigu Daaha kama rogine ee dadkuba wuu arkaayaa!!Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu geysgeysa oo u hiiliya oo Codka siiya Xisbiga isbedeldoonka ah ee Waddani si dalka loo badbaadiyo oo midnimadii qaranimo iyo miisaankii Cadaaladu inoogu  soo noqoto. 

Alleh ayaa Mahad leh

 Wa-llahum-aclum -Wa-bilaahi Towfiiq 
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews