berberatoday.com
Ururka Isku Magacaabay Inspire Group Iyo Danaha Qarsoon Ee Uu Ku Fushanayey Doodii Murashaxiinta Xisbiyada.
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Soo qaban qaabiyey dooda dhex maraysa murashaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada somaliland ee  la magac baxay Inspire Group ayaa u muuqda mid dano gaar ah ka leh hir gelinta doodan.

Ururkan oo todobaad gudihii lagu aas aasay magaalada Hargeysa  dhawaan lagu aas aasay magaalada Hargeysa ayaa waxa ku midoobay xubno inta badan ka hawl gala hay’addaha ka shaqeeya dalka kuwaas oo laga  dheehan karo ujeedooyin hoose oo ay ka leeyihiin hir gelinta doodan kootada loogu xidhay.

Xubnaha kooban ee ku midoobay Ururka Inspire Group ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii kooto loogu xidhi lahaa dooda dhex maraysa murashaxiinta xisbiyada somaliland, iyaga oo awood dheeraad ah ka haysta madaxtooyada somaliland.

Akadamiga nabada oo ah hay’adda soo jireen ah isla markaana guun ah iyo horu marka somaliland iyo qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan oo ku hawlanaa sidii loo hir gelin lahaa doodan ayaa fashilaad la kulmay ka dib markii xubnaha tirada yar ee ku midoobay ururka Inspire Group ay  hab beelaysan ku kala qaybiyeen warbaahintii u midaysnayd.

carqalad badan ku kiciyeen, iyaga oo kala qaybiyey warbaahinta gaar ahaan telefishanada ka hawl gala dalka, kuwaas oo qaarkood tunka ku sitay halka kuwa kalana ay lugta hayeen.

Ururka Inspire Group ayaa ujeedooyinka loo aas aasay mad madow badani soo galayaa, iyada oo ay ku jiraan xubno mudo badan u shaqaynayey hay’addaha ajanabiga ah ee dalka ka hawl gala, kuwaas oo laftirkoodu aan ka maqnayn gacan ku leeyihiin xubnahan.

Ururka hada uun biqlaya ee Inspire Group ayaa dhex dhexaadnimadiisa shaki weyn la galiyey, taas oo keentay in la dhaariyo wariyayaasha daadihinaya barnaamijka dooda oo laftirkoodu u muuqda kuwo lagu soo xulay hab beelleed, iyada oo labada wariye ay deegaan ahaan ka soo wada jeedaan labada murashax ee ugu cad cad doorashada ee Cabdiraxmaan Ciro Iyo Muuse Biixi.

Inkasta oo ay jiraan ujeedooyin qarsoon aan wali dibada u soo bixin hadana, waxa muuqata in ururkan laga dareemayo hir gelinta afkaaro ay hagayso gacan shishe isla markaana la soo dhex marinayo ujeedooyin aan dan ugu jirin warbaahinta somaliland iyo qarankaba.

Iyada oo dalku xili kala guur ah ku jiro waxa muuqata ujeedooyin dhaqaale oo laga leeyahay hir gelinta ururkan socod baradka ah, iyada oo kootada loogu xidhay dooda murashaxiinta xisbiyadu lagu siiinayo dhaqaale badan oo loogu tala galay in lagu naas nuujiyo xubnaha ku midoobay ee aan bulshada isku soo bandhigin.

Shacabka somaliland ayaa su,aalo badan iska waydiinaya goorta uu ururkani soo baxay iyo cida ku jirta, waxaana muuqata inuu yahay urur si qasab ah lagu barayo bulshada kaas oo mudo kooban lagu fushanayo dano gaar ah.

Sidoo kale dadweynaha somaliladn ayaa la yaaban qaabka uu ururkan yari u bixiyey kaadhadhkii lagu galayey dooda murashaxiinta,taas oo ku salaysnayd hab beeleed, iyada oo aqoonyahanka ka soo jeeda beelaha darafyada ee gaar ahaan gobolka Awdal aanay jirin wax kaadhadh ah oo la gaadhsiiyey.

Warbaahinta ayaa  dhawaan soo bandhigi doona magacyada xubnaha kooban ee ku shaqaysanaya ururkan isku magacaabay Inspire Group iyo sawiradoodaba.

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews