berberatoday.com
Warsaxaafaddeed; Ururka SOMA Kasoo Saaray Arrimaha Doorashada..
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

Ururka SOMA oo Warsaxaafaddeed kasoo saaray arrimaha Doorashada, farriin-na u diray Guddida Doorashooyinka


“Komishanka Doorashooyinka, waxaanu ugu baaqaynaa inay kusoo laabtaan xayndaabka cadaaladda iyo xaqsoorka oo ay u xaqsooraan warbaahinta…” Warsaxaafaddeed Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland
Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland {Somaliland Online Media Association( SOMA)}, markuu dersaday duruufaha kala duwan ee ku gedaamman Doorashada Madaxtooyadda ee loo asteeyay in ay dalka ka qabsoonto 13 Bisha November 2017;
Markuu eegay doorka ay Warbaahintu ku leedahay qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana u muuqatay masuuliyada Urur ahaan iyo Warbaahin ahaanba ka saaran ku dhiiri-gelinta Doorashada Shacbiga iyo gaadhsiinta xog-farriimeedka tilmaamaha Doorashada;
Markuu  Wada-tashi wadareed iyo is-xogwaraysi muddo soo socday la yeeshay Madaxda iyo howl-wadeenada Hay’addaha Warbaahineed ee ku bahoobay Ururkan iyo kuwa aan xubnaha ka ahayn ee xirfad-wadaagta la ah.
Markuu Arkay maqnaanshiyaha doorka Warbaahinta Mareegaha Internet-ka ee wakhtigan, sida ay lagama maarmaanka u tahay inay ka qayb-qaataan Wacyi-gelinta Bulshada.
Markuu xaqiiqsaday inay Guddida Doorashada iyo daneeyayaasha kale ee howlaha Doorashada ku howlani inay si cad u daadafeeyeen doorka saxaafaddeed ee Warbaahinta Mareegaha oo maanta dunida hormood u ah warbaahinta casiga ah ee qarnigan.
Markuu arkay sida ay mustaxiilka u tahay wakhtigan inay Warbaahinta iyo Hay’addaha gacanta ku haya howsha Doorashadu u wada shaqeeyaan si ka dhow, kana debecsan qaabkii ay markii hore u wada shaqaynayeen.
Markuu dhinacyo badan ka eegay xaalada jirta iyo sida looga gaashaaman karo, isla markaana ay lagama maarmaankana u tahay  in laga hortago fal-dhacdeedyo khatar gelin kara degennaanshiyaha iyo qabsoomida  doorasho xor iyo xalaal ah oo jawi qurxoon iyo saaxad nabdoon ku qabsoonta.
Wuxuu soo saaray warsaxaafaddeed uu ku soo ururiyey aragtidiisa ku aaddan marxalada la marayo iyo tabashooyin uu ka qabo hab-maamulka Saxaafadda ee Guddida Doorashada iyo daneeyayaasha kale;-
Mowqifka Ururka SOMA iyo Warbaahinta Online-ka
Ururka SOMA, wuxuu Dhiiri-gelinayaa qabsoomida Doorashada Madaxtinimo iyo geedi-socodka Dimuquraadiyada Jamhuuriyada Somaliland, isagoo doorkiisa ka qaadan doona sidii Doorashadaasi u noqon lahayd mid xor iyo Xalaal oo ku qabsoonta, kuna dhamaata jawi xasiloon.
Ururka SOMA,  isagoo darreenka iyo tabashada ay qabaan la wadaagaya Hay’addaha Warbaahinta Internet-ka,  wuxuu ka walaacsan yahay maqnaanshiyaha doorka Warbaahinta Mareegaha Internet-ku  ku leedahay Wacyi-gelinta Bulshada ee Doorashada madaxtooyadda, waxaanu cod dheer ku caddeynayaa inay Guddida Doorashooyinku iska indho-tireen Kaalinta muhiimka ah ee ay Warbaahintaasi kaga jirto qaybaha Warbaahineed ee Maqal, Muuqaal iyo Qoraalba.
Wuxuu Ururku isagoo ku hadlaya Afka Hay’addaha Warbaahinta ee uu metelo xaqiijinayaa inay Guddida Doorashada iyo daneeyayaasha kale ee Doorashadu xaqireen xuquuqdii ay Warbaahintaasi ku lahayd Dhaqaalaha loogu talo-galay Wacyi-gelinta Doorashada.
Ururka SOMA, isagoo aaminsan  khaladaadka ka yimaada xog-gudbinta Warbaahinta Mareegaha inay qayb ka tahay hagrashada Qaran ee horumarinta tayada iyo aqoonta Saxaafadda Waddanka, siiba qaybta aan soohdinta lahayn ee Internet-ka waranta, waxa uu Shacbiga, Xukuumadda, Asxaabta iyo dhamaan daneeyayaasha Doorashada u  beyaaminayaa inay Guddida Doorashadu dhegaha iyo Indhaha ka furaysteen Tallooyin iyo codsiyo aanu u gudbinay oo ka turjumaya cabashada ay qabaan Hay’addaha Warbaahineed iyo howl-wadeenaddoodu.
Ururku wuxuu u iftiiminayaa qaybaha Bulshada, Dawladda iyo daneeyayaasha Saxaafadda Somaliland in xilligan Warbaahinta Internet-ku  door lama hilmaamaan ah ay ku leedahay gudbinta dhacdooyin-wareedyada iyo buuxinta dhamaan doorka Warbaahineed.
Shaqada uu qabanayo Ururka SOMA xilliga Doorashada:
Ururka SOMA iyo dhamaan Mareegaha Warbaahinta Somaliland, waxay isla qaateen inay masuuliyad iyo xil-weyn iska saaraan ilaalinta degenaanshiyaha iyo nabad-gelyada dalka, kana hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara, khatarna gelin kara Maslaxada iyo midnimada Umadda Somaliland muddada lagu jiro geedi-socodka howlaha Doorashada.
Ururka SOMA isagoo kaashanaya daneeyayaasha Saxaafadda iyo Hay’addaha ku shaqada leh howlaha Doorashada wuxuu si joogto ah, ula socon doonaa qaabka ay Warbaahinta Internet-ka ee Somaliland u gudbinayso wararka la xidhiidha arrimaha Doorashada, si loo xakameeyo in warar xaalad abuuri kara Bulshada loo gudbiyo.
Ururku wuxuu si joogto ah ugu wacyi-gelin doonaa Mulkileyaasha iyo Suxufiyiinta ka shaqeeya Hay’addaha Warbaahinta Online-ka inay ka taxadiraan gudbinta Warar iyo warbixinno dhibaato iyo jahawareer abuuri kara, khal-khalna gelin kara hufnaanta iyo habsanaanta Doorashada.
Guddida Maamul ee Ururka SOMA, waxay xoojinayaan xidhiidhka ka dhexeeya Maamulka, Tafaftireyaasha iyo Suxufiyiinta ka shaqeeya Hay’addaha Warbaahinta Mareegaha.
Ugu dambeyn Ururku wuxuu soo dhaweynayaa cid kasta oo kala shaqaynaysa suurto-gelnimada qabsoomida howlaha kor ku xusan.
Sidaas darteed, Ururka SOMA wuxuu is weydiinayaa sababta Komishanka Caddaalad Iyo xaqsoor u samayn waayay warbaahinta ee kala xigtaystay oo ay muuqato durba mad-madawga  iyo sida ay wax u maamulayaan, Murrashaxiinta u tartamaya Kursiga u sareeya dalka Caddaalad ugu  samayn karaan, iyadoo la ogyahay khaladaadka ka muuqday natiijadii Dadka Kaadhadhka qaatay ee ay soo bandhigeen tiradooda todobaadkii hore, Su’aashna  jawaabteeda waxaan u dhaafaynaa bulshada Somaliland ee ay Garsoorka u hayaan.
Geba-gebo Baaq iyo tallo soo jeedin
Si meesha looga saaro cabashooyinka kor ku xusan iyo mushkilado ka dhalan kara wada shaqayn la’aanta dhinacyada, wuxuu Ururka ku baaqaynaa, isla markaana kula talinayaa Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasadda Somaliland inay abuuraan jewi wada shaqayneed oo hufan oo ay la yeeshaan Ururka  iyo hay,addaha hoosyimaaddaba guud ahaan, gaar ahaan muddada hawlaha Doorashada lagu jiro, maaddaama oo ay doorashadu tahay mid u baahan in wadajir looga wada shaqeeyo, waxaanan  uga digaynaa Axsaabta inay abuuraan warbaahin beelaysan, ama loo samaystay ujeedooyin siyaasaddeed shakhsi ah oo u dhaqanta si ka baxsan Anshaxa, ama ugu xaglisa xisbi sifo khaldan oo aan waafaqsanayn hab-dhaqanka Saxaafadda, taasoo natiijada ka dhalata aanay ku gaadhayn kursiga ay doonayaan, balse bur-bur u horseedi karta qaranka.
Sidoo kale Komishanka Doorashooyinka, waxaanu ugu baaqaynaa inay kusoo laabtaan xayndaabka cadaaladda iyo xaqsoorka oo ay u xaqsooraan warbaahinta.

Allaa Mahad leh
Xoghayaha Ururka SOMA
Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews