berberatoday.com
“Waxaanu Rabnaa In Aanu Dalka Ka Badbaadino Sicir Bararka, Musuqa, iyo Cadaalad Darada Jirta”Maxamed Cabdilaahi Uurcade
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalada adag, oo Xukuumaddani Kulmiye sabab u tahay, waxaanu xusay in xaaladaas adag Xisbiga qudha ee umadda ka saari kara uu yahay Xisbiga Waddani oo la doorto, halka uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye aanu is bedel dalka ku keeni karin,waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay in Xisbiga Waddani codkooda siyaan.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddani nidaamkii dawladnimada iyo nidaamkii Dimuqraadiyada ay marar badan ka hor timid, waxaanu ugu horeyn yidhi“Xukuumaddani marar badan bay ka hor timid nidaamka Dimuqraadiyada iyo nidaamka Dawladnimada, waxaana ka war haynaa in Xukuumaddani sifo sharci daro ah ay u xidhxidhayso cid aan waxba galafsan iyadoo la leeyahay waa Xisbiga Waddani, markaas waxaan Xukuumadda uga digayaa in sifo sharci daro ah ay cid ku xidho,haddii cid la xidhayna waa in sifo sharciya loo soo maro, cida gardarada ku xidhan la xidhayna waa in la soo daaya”.

Xoghayuhu isagoo ka hadlaya rajadda Xisbigiisa ayaa  yidhi “Guud ahaan Gobolada Somaliland oo dhan kalsooni buuxda ayuunu ka qabnaa, oo boqolkiiba siddeetan (80%), shacabku waa XIsbiga Waddani, Umadduna ma rabto in dhibtan ay ku jirto ay ku sii jirto, dhibaatada maanta dalka ka taagana Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu waxbay ka qaban lahaayeen,  halka ay leeyihiin bari ayaanu ka qabanaynaa wax,waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay in tiro aan isku dhawayn uu Xisbiga Waddani uu kaga adkaan doono Kulmiye,waxaanu rabnaa in aanu dalka ka badbaadino sicir bararka, musuqa, cadaalad darada iyo boobka hantida umadda,ee Xukuumadda Kulmiye dhaqanka u noqday, Kulmiye Kulmiye bedelayna wax macno leh maaha, ee Waddani ayaa dalka badbaadin kara”

Xoghayaha Waddani mar uu ka hadlaayey Ololaha ayaa yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leeyahay dalku tacab badan buu inagu joogaa, ee nacab ha ku galina Doorashada ee idinka oo walaalo ah gala, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu waxay u tafaxayteen inay umadda kala qaybiyaan,Shacabkana waxaan leeyahay maanta ayaad fursad haystaan ee iska hubsada mustaqbalkiina shanta sanno ah, haddii aad rabtaan in dhibaatada lagu sii jiro Xisbiga Kulmiye wuu tartamaya, waad u coddeyn kartaan, balse haddii aad doonaysaan is bedel, oo aan waliba dadka reer Somaliland u badan yihiin, anigoo ku hambalyeynay, Waddani doorta, Nabadgalyadana ilaaliya”.

Dhinaca kale Xoghayaha Waddani ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ku soo biiray Xisbiga Waddani sida Cabdilaahi Jawaan, Xildhibaan Nac-nac iyo Masuuliyiin kale oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxay, waxaanu ku tilmaamay inay yihiin Siyaasiyiin miisaan culus leh, oo cudud iyo taageero ku soo kordhinaya Xisbiga Waddani.

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews