Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Oo Toogtey Ku Xigeenkiisa Iyo Sababta Keentay
October 22, 2017 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.
Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababto in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha.
