berberatoday.com
Biyo La,aan Baahsan Oo Ka Taagan Berbera Iyo Maareyihii Wakaalada Biyaha Oo Ololaha Xisbiga Kulmiye Ku Foogan Iyo Shaqadiisii Oo Daayacan+Cabashada Shacabka Ooman
October 23, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Mudooyinkii udanbeeyay waxa Magaalada Berbera laga dareemaayay Biyo La,aan baahsan oo saamayn xoogan ku yeelatay guud ahaan shacabka danyarta ubadan ee ku dhaqan magaalada Berbera, Biyo la,aanta Magaalada Berbera ku baahday ayaa loo aanaynayaa shaqo Xumo iyo Maamul xumo ragaadisay Wakaalada Biyaha Berbera oo dhawaan loo soo magacaabay Maareye dhalinyaro ah oo aan wax badani uga baxsanayn shaqada Dawlada iyo waliba Hawsha baaxda leh ee Biyo Soosaarka iyo xaalada cimilada kulul ee shacabka reer Berbera ku noolyihiin.

Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Axmed Aadan Ismaaciil oo haba yaraate aan shaqada Technical ah ee wakaalada Biyaha waxba ka aqoonin ahaan jiray Macalin Iskuul Mudooyinkii udanbeeyayna Jaamacada Golis Qeybteeda Berbera ka ahaa Macalin ayaa hada ku foogan ka shaqaynta ololaha Xisbiga Kulmiye uu kawado Gobolka Saaxil isaga oo aan inta badan imanin Xafiiskiisa shaqada laguna dhex arko Xafladaha soodhaweynta taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku biiraya iyo waliba Isaga oo sheegta inuu beesha uu kasoo jeedo uu Xisbiga Kusoo daray Cududooda Taageero dhamaantood kubiirinayaan.

 

Xaafadaha aan waligood biyuhu ka Goin ee Berbera ee hada biyo la,aan todobaadyada dhan ay haysto ee ay la meehanaabaya ayaa waxa kamida xaafadaha shacabka moosko iyo waliba Burco sheekh oo aan biyo helin mudadii uu Maareyahani shaqada joogay iyada oo lawada ogyahayna Cimilad kulul ee Berbera in aanu qofku saacad kaliya biyo ka maarmi karin sidoo kale waxa Markii uhoreysay foostada Biyaha ah Berbera la siistaa laga dhan (15000 SL Shilin)Shan Iyo toban Kun oo Somaliland shilin ah Waana fadeexad dulhoganaysa Maamulka wakaalada Biyaha Berbera ee Ololaha Xisbiga Kulmiye Ku foogan inta Badan aan xafiiskiisii iyo shaqadiisii oo daayacan aan kaba war haynin iyo Xukumada uu katirsan yahay.

Maareeyayaashii ka horeeyay Axmed Aadan Ismaaciil ayaa shaqada Wakalada Biyaha ee Baaxadeeda wadata ku Maamuli jiray Odaynimo iyo Khibrad  guuna oo lagu majeeran jiray islamarkaan ay shaqada Farsamada Wakaalada Biyaha Ulaaheen.

Maareyaha Hada Maamulka wakaalada Biyaha Berbera Ku magaacaban oo ah nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu faraha la galay goob kamida goobaha biyaha magaalada imanayaa soo maraan isaga oo isku dayay inuu wax ka bedel aanu aqoonteeda lahayn ku sameeyo Hase yeeshee wixiiba waa isla fadhiisteen oo xaafadihii biyaha hore uheli jiray iyo kuwii aan waligoodba helinin hada waa wada ooman yihiin Waana Isku mid waxaana sababtaas keenay Maareyaha aan shaqada khibradeeda lahayn ee Markii Faragalintaas uu Goobaha Biya Mareenka ku sameeyay isla fadhiisteena Faraha kala Baxay oo uxuubsiibtay Ololaha Xisbiga Kulmiye.

Shacabka Xaafadaha Biyo la,aantu ka Jirto ayaa Cabasho Xoogan ka muujiyay biyo la,aanta soo foodsaartay oo isa soo taraysa ilaa mudadii uu Maamulka Wakaalada Biyaha La wareegay Maareyaha Cusubi waxaananu maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa Muuqaalada Cabashada Dadweynaha reer Berbera ee Biyo la.aanta la xidhiidha.

Isku soo wada duubo Mareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Axmed Aadan Ismaaciil ayaan ogayn xaalada cakiran ee biyo la,aaneed ee ka tagaana magaalada Berbera islamarkaana Tamashle iyo olole Xisbi iskaga jira facaailka uu samaynayaana waxay guuldaro ku yihiin Xisbiga uu u ololaynayo ee Kulmiye oo doonaya in reer Berbera Kudoortaan biyo la,aanta uu baday mudadii uu Xisbiga Kulmiye hogaaminta dalka hayay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews