berberatoday.com
Ceebey Tacaal: Weli Dunida Kama Dhicin Qof Xirfadiisa Shaqo In Lagu Dhaariyo!!! Faallo Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur
October 23, 2017 - Written by Berbera Today

Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, Maanta oo Taarikhdu tahay 19-ka October 2017-ka, waxa ka dhacday arrin muruga leh oo abid Taarikhda Somaliland iyo midda Caalamka toona aan hore loogu arag, laguna Maqal, taasoo ah koox Suxufiyiin ah oo Kitaabka Qu’raanka Kariimka lagu dhaariyey ka hor Barnaamij dood ah, oo ay u qabanayeen Murashaxiinta jagadda Madaxweynaha saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Dhaarta Weriyaasha oo ka dhacday Bar-kulameed ku taal Magaaladda Hargeysa, ayaa xubnaha Saxafiyiinta ah mid-mid gacanta loo saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kaddibna ku dhawaaq la yidhi Saddax Walle-bile inay daacad ka tihiin daadihinta dooda iyo Su’aalaha Murashaxiinta la waydiinayo. Intaas kaddib, Muuqaalkii dhaarta Suxufiyiinta si loo shaaciyo waxa lagu baahiyey Warbaahinta Online-ka ah iyo Barraha Bulshada, halkaasoo shacabka Somaliland iyo inta afka Soomaliga ku hadasha kaga war-heleen dhacdadaas. Suxufiyiinta Caalamka guud ahaan wayka siman yihiin Magaca Mihnadda ay ku abtirsadan, hase-ahaatee, waxay ku kala duwan yihiin, oo ku kala baydhaan qofba qaabka Curintiisu tahay. Tusaale ahaan, Weriyaasha qaarkood waxay Wararka iyo Warbixinahoodu u badan yihiin, dhinaca dhaqaalaha, qaar kalena xogta ay soo tabinayaan waxay u badan tahay dhanka Colaadaha ahliga ah, halka kuwo kalena dhacdooyinka ay soo tabiyan ku eg yihiin xagga dhaqanka iyo hoggaaminta Madaxweynayaasha, kuwo kalena had iyo jeer waxay xogga saran oo isku hawlan inay ka waramaan dhinaca Bii’adda deegaanka, Buuraha iyo Baddaha, sida Ilahay u abuuray iyo Makhluuqa uu ku beeray. Sidaas darteed Suxufi waliba shaqadiisa iyo goobaha uu ka waramo kalsoonida Bulshadu ka qabto, waxa uu ku kasbada aqoonta ama takhakhuskiisa Mihnada ee u leeyahay, taas ayaa lagu qiimeeya, laguna tix-geliya, balse maha wax dunida ka dhacay Mihnad ama xirfad shaqo qof in lagu dhaariyo, halkii ay ahayd aqoonta xirfada shaqsiga in lagu qiimeeyo Takhaakhuskiisa iyo Hay’adadiisa waxbarasho ee Xirfadaas. Inkastoo mudadii 26-ka sanno ahayd ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay Hay’addaha dawladdu muwaadiniinta Xir-fadlayaasha ah sida dunidu ku dhaqanto lagu qiimeynaayey takhaakhuska aqoontooda, taasoo noqotay mid door weynka qaadatay koboca shaqooyinka xirfadlayaasha, gaar ahaan dhinaca bulshada, balse haddana ayaan darro waxa ah Maanta in ay dhacan oo indhaha bulshaddu qabtaan dhacdo fool xun, oo taarikhda Somaliland aan ka dhicin, xataa sannaadihii horaantii sagaashamadka ee qarankani burburka ahaa. Falkaasoo ah midka manta ka dhacay Hargeysa ee lagu dhaariyey Saxafiyiinta dooda u qabtay saddexda Musharax, arrinkaasi waxa uu ka marag kacaya oo xaqiiq ah inaanu Kalsooni bulshadu ku qabto Warbaahinta, oo laga aaminka baxay, dhaartana ay keliftay dooda Musharaxiinta oo laga maarmi waayey qabashadeeda. Hase-yeeshee horraa loo yidhi, “Laffaha jebi Xarago-na haka tagin”, Wiilasha Suxufiyiinta ah markii ay oggaadeen inaan Kalsooni lagu qabin, waxay ahayd inaan qabashada dooda joojiyan, sheekadda iyo warkeedana halkaa kaga baxan, hadiiba’se ay la noqotay inay dooda qabtaan Musharraxiinta iyo cidii kalsooni darrada ka muujisaynaa dhaarku qanciyaan, waxay ahayd oo seegtay inay dhaartooda qarsadan oo aanu Warbaahinta ku faafin. Waayo ceebtaada oo kow og tahay, kun looma sheego. Si kastaba ha ahaatee, falkaa maanta dhacay waxa uu dilay haybada iyo sharaftii Mihnadda Saxaafadda, iyadoo horaba ay u jireen dhaliilo la xidhiidha dhaqamo fool xun oo laga sheego Warbaahinta, haddana “Qur’aan Qulu-wallaa isku fuuq-fuuqsadayee”, waxa dhacay maalin madow oo taarikhda Somaliland ku ku suntanaan doontaa, labada Suxufi waa Maxamed Cabdi Ilig iyo Cali Seenyo’e, waxay noqdeen, oo iyanna lagu xasuusan doonaa Aaxankii la raaciyey Geeriddii Mihnada Saxaafadda Somaliland.

 

 

Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur C.casiis98@hotmail.com Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews