berberatoday.com
Nuxurka Kulan Aan Midho Dhallin Oo Dhex Maray Wasiirada Biyaha Ee Itoobiya, Masar Iyo Suudaan
October 23, 2017 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiirada biyaha ee wadamada Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa toddobaadkan kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, waxaanay ka wada hadleen qaddiyada webiga Niilka iyo weliba dhaamka ay Itoobiya dhisanayso.

Kulankaas, waxa ay dawladda Masar kaga codsatay guddiga saddex geesoodka ah ee qaddiyadan in la isticmaalo heshiiskii 1959 la saxeexay ee ku saabsanaa wadaaga biyaha Niilka, lagana dhigo obacda laga duulayo marka la qiimaynayo saamaynta dhaamka Itoobiya. Heshiiskaas 1959 ayaa dhigayay in qayb libaax biyahaas ay isticmaasho Masar kuwaas oo dhan 56 billion cubic meters, halka ay Suudaana leedahay 18 billion cubic meters. Laakiin soo jeedintaas Masar waxa ganafka ku dhuftay wasiirka biyaha ee Itoobiya.

Kulankan saddexda wasiir ayaa la doonayay in lagu diyaariyo jidka ay ka dulayaan shirkad madaxabanaan oo Faransiis ah oo loo kiraystay inay qiimayn ku soo samayso dhaamka Itoobiya dhisanayso oo ay dawlada Masar aad uga shakinsatahay, waxaanay saddexdan wasiir hal maalin booqdeen dhaamka Itoobiya.

Wasiirka biyaha iyo korontada ee Masar Maxamed Cabdillaahi inkastoo uu booqashadaas dhaamka Itoobiya ku tilmaamay mid uu ku farxay haddana wuxuu walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimid qiimaynta ay diyaariyeen khubaro hore loo saaray.

Qiimaynta laga sugayo dhinacyadan la kiraystay ee khubarada ah ayaa isugu jira laba dhinac. Midda koowaad ayaa ah inay soo qiimeeyaan saamaynta uu dhaamkani ku keenayo dalalkii hore u heli jiray biyaha Niilka iyo qodobka labaad oo ah saamaynta uu dhaamkani ku keenayo deegaanka, bulshada iyo dhaqaalaha. “Inkastoo aanu khubaro kiraysanay sannadkii 2016 ka dib markii aanu isfaham ka gaadhny dhaamka Itoobiya, kamaanu wada shaqayn waayo waxaanaan kuba heshiin fikirka laga duulayo.” ayuu yidhi Wasiirka Masar.

Wasiirka biyaha iyo korontada ee Suudaan Mutaas Cabdillaahi Saalim ayaa isagu sheegay inaan webiga Niilka laga dhigin  astaan isu soo dhawaynaysa gobalka laakiin aan loo isticmaalin wax dadka kala fogaynay, “Waxaan rajaynayaa in kulankan lagu qabtay Addis Ababa uu keeno arrimo aan hore u jirin kulamadii lagu qabtay Khartuum iyo Qaahira.” ayuu yidhi.

Wasiirka biyaha iyo korontada Itoobiya Sileshi Bekele ayaa socdaalka ay wasiiradu ku wada tageen dhaamka sheegay in macnihiisu tahay in la fududeeyo xog wadaaga iyo in dalalkan ay wax waliba u cadaadaan, “Tani waxay muujinaysaa balan qaadkii Itoobiya ee ahaa inay xoojiso iskaashiga dalalka wadaaga Niilka.” ayuu yidhi wasiirka Itoobiya.

Si kataba ha ahaate, wadamadan ayaan weli gaadhin is afgarad ku saabsan dhaamka Itoobiya oo ay dawladda Itoobiya u aragto mid muhiim ah guud ahaan gobalka, halka ay Masarna u aragto mid khatar ku ah amnigeeda qaranka maadaama oo dadkeedu ku xidhanyihiin webiga Niilka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews