berberatoday.com
Sheekh Cismaan Iyo Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Oo Soo Jeediyey In Laga Feejignaado Dhaqan Xumada Ka Dhalan Karta Ololaha
October 24, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn iyo Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala,ayaa ka hadlay ololaha Xisbiyada, waxayna tilmaameen in dhaqan xumo iyo anshax xumo aanay Diinteenu Islaamku raali ka ahayn in lagu sameeynayo ololaha, waxayna ku taliyeen in la joojiyo, waxayna Waalidka, Xisbiyada iyo Xukuumadda ugu baaqeen in la xakameeyo oo la joojiyo wax walba oo lid ku ah Diinta Islaamka.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn iyo Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Sheekh Cismaan Cali Xuseen uu yidhi “Fariinta ugu horeeysa waxaan u dirayaa waalidka, siiba Waalidka dhalay Hablaha, dhaqan xumo aan diinteena u wanaagsanayn ayaa dhex socota ololaha, oo hablihii iyo inamadii baa inta gaadhi yar la iskugu geeyo, oo daaqadaha gawaadhida ka soo wada jeedsanaya, waana dhaqan xumo aynaan akhriyi karin, waliba khatar amni daro ayey ku jiraan, oo naftoodana khatar bay galiyaan dadka kalena khatar bay galinayaan, qadiyadana waa qadiyad aakhirada iyo adduunyadaba aan u fiicanayn, waxaana waalidka u soo jeedinayaa inay ubadkooda xakameeyaan”.

Sheekh Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu waxaan qabaa buuqan iyo qayladani waxba tari mayaan, dadku kaadh bay ku codaynayaan, haddii maaliyiin qof la soo saaro iyo haddii laba qof la soo saaro, waxay ku xidhan tahay kaadh, markaas ha la xisaabtamo oo dib ha iskugu noqdo Axsaabta laftoodu maaha inay ka qayb qaadan wax ILLAAHAY lagu caasiyaayo, qadiyadani ah inay hablaha iyo inamadu is dhex galaan waa qadiyad aad iyo aad u xun, oo hablihii baa saqda dhexe ee habeenkii soconaya, inanta saddexda habeenimo magaalada dhexmaraysa waa dhib aad u weyn, ee waa in ALLE laga baqo, oo waalidku ha xakameeyo ubadkooda, dadka gaadiidka watana ha loo sheego in wixii khasaare ah ee ka yimaada, iyo cidii wax ku noqota inay masuuliyadooda qaadi doonaan, inagoo abaar ka soo gudubnay, inaynu haddana ILLAAHAY casino fool xumo badan bay leedahay, ee ALLE ha laga baqo, oo ALLE ha loo noqdo, oo dhaqan xumada iyo anshax xumada ha laga feejignaado, oo Diinteenu waa Diin akhlaaqda iyo wanaaga ilaalinaysa, ee ha la ilaaliyo wanaaga, habeenkiina ololaha ha la joojiyo, gaar ahaan ha la joojiyo wixii dhaqan xumo keenaya”.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Axsaabta tartamaya waxaan leeyahay waxaad u tartamaysaan waa xil, xilkaas oo janno iyo naar miduun lagu helo, haddii aad doonaysaan inaad liibaatan,oo aad if iyo akhirba guulaystaan dadkan caamada ah ee aad soo dayseen la hadla, hablahan iyo inamadan inaytay baabuurta wada fuulaan daaqadaha kurta kala soo baxaya, haddii ay idinku dhintaan ayaa ka masuul ah, xittaa dadkan ololaynaya ciyaal iyo dumar bay u badan yihiin, oo Guriyo ayaad u kirayseen, haddii aad qaban weydaan, oo xudud u yeeli weydaan wixii cuqubo ah ee ka timaada, idinka ayaa madaxa ku qaadanaya”.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland  mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanku waxa uu yidhi waa in la ololeeya lix ilaa ka lix, balse ilaa salaada subax ayaa inta baabuur la qaado, ayaa wixii la doono la sameeynayaa, oo salaadii waa laga tukan la yahay, waddooyinkii waa laga mari kari la yahay, haddii akhlaada laga tagana wixii ka dhasha ee cuqubo iyo dhibaato ah cida diratay ayaa ka masuul ah, Booliskana waxaanu ka codsanaynaa amniga, anshaxa ha ku daraan, waxani xadkii uu dhaafay, ee sida Doorashada loo galo ha loo galo, oo dhaqanka suuban ee diinta islaamka ha la ilaaliyo, haddii aanu nahay Guddida wanaag farinta iyo xumaan reebistana waxaan guud ahaan Bulshada leeyahay Diinteena suuban iyo dhaqankeena suuban yaan laga tagin”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews