berberatoday.com
Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Fariin Ka Dhan Ah Doorashada U Diray Taageerayaashiisa Iyo Go’aan Ay Maxkamadu Gaadhi Lahayd Oo Baaqday
October 25, 2017 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday inaanay  ka qeyb qaadanin doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.

Mr Odinga ayaa ka hadhay tartanka doorashada isagoo sheegay inaanu  ku qanacsanayn qaabka uu doorashadaasi uu u qabanayo guddiga doorashooyinka.

odinga9

Maxkamad ayaa laashay natiijada doorashadii dhacday bishii August oo uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa mar sii horreysay sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa ka dib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

style=”font-size:16px;”>Kooramka maxkamadda

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, David Maraga, ayaa sheegay in maxkamaddu aanay  go’aan ka gaadhi karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ahi iyo in kale.

David Maraga ayaa sheegay in garsooreyaasha maxkamadda oo toddobo ahaa aanay  u suurtagelin dhammaantood in ay soo xaadiraan fadhiga maxkamadda.

Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd ka dib markii salaasadii shalay ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda.

Sida uu qabo sharciga, ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go’aan u gaadho balse Maraga ayaa sheegay in gabadha ku xigeenkiisa ahi Philomena Mwilu aanay u suurta gelin in ay maxkamadda timaaddo..

Garsoore kale ayuu Maraga sheegay in uu soo xaadiri waayay maxkamadda maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.

Labo garsoore oo kale ayaanay  iyaguna u suurta gelin in ay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwadda manuu  caddeyn sababta halka mid kale oo joogay meel ka baxsan caasimadda Nairobi ay u suurtageli weyday in ay hesho duulimaad ay ku timaaddo Nairobi.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa raalli gelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintani khuseysay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews