berberatoday.com
Madaxweyne Sheegay In Uu Diyaar U Yahay In Uu Gacantiisa Ku Dilo Dadka Daroogada Qabatimay Ee Dalkiisa
October 25, 2017 - Written by Berbera Today

Manila(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa soo jeediyey in loo fasaxo in uu isagu gacantiisa ku dilo dembiilayaasha, isaga oo ku hanjabay in uu dib u soo celin doono amarkii ahaa in ay booliisku halkooda ku toogtaan dadka maandooriyaha qabatimay am aka shaqaysta.

Rodrigo Duterte oo 11kii bishan Oktoobar hadlay ayaa sheegay in uu amarkaas hore ee booliiska uu joojiyey kadib markii booliiska lagu eedeeyey in ay meel kaga dhaceen xuquuqda aadamaha oo ay kumannaan qof dileen iyaga oo aan maxkamad geynin, balse fulinaya amarka madaxweynaha ee dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa hore u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku farxi lahaa dilka 3 Milyan oo dadka maandooriyaha qabatimay ee dalkiisa ah, imikana waxa uu arrintaas ku sii daray in uu jeclaanba lahaa in loo ogolaado oo uu isagu gacantiisa ku dilo, maadaama oo uu qawadsan yahay awoodda wakaaladda la dagaallanka maandooriyaha ee dalka Filibiin. “Dadkan dumarka iyo carruurta kufsanayaa, haddii aydaan doonayn in booliisku dilo, anigaa idiin jooga oo diyaar u ah, [in aan dilo] waa iga dhab dilkoodu, mar haddii aanay cid kale ku dhiirranayn, aniga ayaa xabbad ku dhufanaya” sidaa waxaa yidhi madaxweyne Rodrigo Duterte oo sida muuqata go’aan ku gaadhay in uu dalkiisa ka sifeeyo maandooriyaha dishooday.

Madaxweyne Rodrigo Duterte oo madaxnimada dalka Filibiin ku guulaystay sannadkii 2016 ka, ayaa sababihii lagu doortay waxaa ka mid ah ballanqaadkiisii ahaa in uu muddo lix bilood gudahood ah kaga takhalusi doono maandooriyaha, waxa aanu xilligii ol’olaha ballanqaaday in uu dili doono 100 kun oo qof oo dadka maandooriyaha ah.

Muddada sannadka ah ee uu madaxweyne Rodrigo Duterte xilka hayey waxa uu booliiska amar ku siiyey in ay dilaan qof kasta oo maandooriye isticmaalaya ama ka ganacsanaya, waxa aanu booliisku qirtay in intii amarkaas ka dambaysay ay dileen Saddex kun iyo sagaal boqol oo qof oo ganacsiga maandooriyaha ku jiray, waxa se’ jira dad ku dooda in tiradu intaas ka badan tahay, oo tusaale ahaan booliiska ku eedaynaya in ay wax ka ogaayeen dhimashada Laba kun, laba boqol iyo sagaashan qof oo kale oo ahaa dadkii ganacsiga maandooriyaha ku jiray, dadkaas oo sababo aan illaa hadda la ogeyn u dhintay, laakiin booliisku uu diiday in uu ku lug lahaa dhimashadooda.

In kasta oo dilkan tooska ah dunida oo dhan laga cambaareeyey, Qaramada Midoobeyna marar badan si adag uga hadashay haddana dadka reer Filibiin waxa ay weli si aad ah u taageersan yihiin madaxweyne Rodrigo Duterte oo ay u arkaan in uu xal u keeni karo dembiyada dalkaas ku faafay, musuqa iyo maandooriyaha.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa hore u sheegay in uu doonayo in masuuliyiinta dawladda ee musuqmaasuqa lagu ogaado ciqaabtooda laga dhigo in diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah la saaro oo marka ay hawada gasho laga soo tuuro, weliba waxa uu ku faanay in dad badan uu hore isagu sidaa ugu dilay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews