Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Agaasimihii Wasaaradaas Iskacasilay Ka Mabnuucday Inuu Masaajidada Berbera Khudbado Diiniya Ka Jeediyo
October 26, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waraaq uu ku saxeexanyahay Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xuseen(Ina Faraare)oo lagu socodsiiyay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil,Degmada Berbera iyo Taliyaha Qeybta Booliska Berbera ayaa lagaga joojiyay inuu wax khudbada ka jeediyo Salaadaha Jimcayaasha iyo Wakhtiyada kaleba Masaajidada Berbera Agaasimihii Guud ee Wasaarada diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo maanta gabi ahaanba iska casilay xilkii uu Xukumada uu ka hayay iyo Xubnimadii Xisbil Xaakimka Kulmiye uu Golihiisa dhexe katirsanaa.