berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay, Dad La Sheegay Inay Xisbiyada Qaar Kaadhadhka Cod-bixinta Uga Iibinayaan Deegaannada Lagaga Cod-badan Yahay
October 26, 2017 - Written by Berbera Today

Xukuumadda Oo Shacabka Ka Codsatay inay u sheegaan Ciddii ay arkaan iyagoo iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Warar soo baxay oo sheegaya in Xisbiyada ku loolamaya Doorashada Madaxtooyada qaarkood ay Cod-bixiyeyaasha ka iibsanayaan Kaadhadhka Cod-bixinta, markaasi ka dibna ay gubayaan.

Wararka arrintan ku saabsan ayaa sheegaya in Xisbiyada qaarkood deegaannada ay is hubaan in Lagaga Cod badan yahay ay Dadka deggan Kaadhadhka ka iibsanayaan, ka dibna gubayaan, si ay wax uga dhimi karaan Codadka uu Xisbiga la tartamayaa ka heli lahaa deegaankaasi.

maxamed muuse diiriye

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxay Xukuumad ahaan kala socdaan Wararka sheegaya in Xisbiyada qaarkood Kaadhadhka iibsanayaan, ka dibna gubayaan, ayaa ku jawaabay “Ciddii waxaa ku dhaqaaqaysaa waa Dambiileyaal Qaran, waa edab-darro, waa anshax-xumo, waa kalsooni-darro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Dadweynaha “Cid kasta oo na maqlaysa waxaanu ka doonaynaa in Dadkaa la sheegayo inay Kaadhadhka Cod-bixinta ka iibsanayaan Dadka masaakiinta ah inay Gacanta naga soo saaraan, Waayo? ka waxaa ku kacayaa wuxuu ka dhigan yahay Qarankii oo la duminayo. Waa Dambi weyn in Dhukumantiyada Qaranka la iibiyo ama la gubo.”

Wasiiru-Dawlaha Amniga oo la waydiiyey inay jiraan Dad falalkan loo xidhay, ayaa ku jawaabay “Ilaa hadda Cid waxaa ku kacday ma hayno, laakiin aad-baan u maqlay, waanuna ku daba-jirnaa..” ayuu yidhi.

Wararka sheegaya in Xisbiyada qaarkood ay Muwaadiniinta ka iibsanayaan Kaadhadhka Cod-bixinta, ayaa soo baxay markii ay iscasileen Masuuliyiin Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u qaabilsanaa Degmada Tog-wajaale, iyagoo sheegay inay ka biyo-diideen amar ay sheegeen in Xisbigu siiyey oo ah inay Dadka ka soo ururiyaan Kaadhadhka Cod-bixinta.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews