berberatoday.com
Xildhibaan Abubakar Good Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Dalku Marayo
October 27, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsanaa Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay inuu Xisbiga Kulmiye, uu yahay Xisbi aan taladda dalka lagu sii halayn karin, madaama uu tilmaamay in muddo xileedkii todobada sanno iyo badhka ahayd ee uu taladda Xisbiga Kulmiye yahay in hantidii umadda la iibiyey, lana musuqay, sidaas darteena wuxuu xusay inuu ka digo rogaynayo, isagoo shacabka reer Somaliland ku booriyey in aanay codkooda siinin Kulmiye.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay Masuuliyiintii shalay iska casilay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddaba, waxaanu sheegay inay jiraan masuuliyiin kale oo badan oo iyana is casilaya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaano dhawr ah oo uu ka mid yahay oo ka digo roganaya Kulmiye “Xildhibaanado waa xor, meesha ay u arkaan inay dantoodu ku jirto ayey ku biirayaan, waayo Xildhibaanada dadka ayaa soo doortay, umad baa soo dooratay, Xildhibaanka, Wakiil baa la yidhaahda, Wakiilna wuxuu ka yahay Shacabka soo doortay, xaaladu waxay maraysa heer qaran, mustaqbalka dalka ninkii hogaamin lahaa ayaa la dooranaya, arin yar maaha waa masiirkii umadda, masiirka dalka iyo dadka meel alaale meesha aanu nidhaahno waa lagu aamin karaa oo halkaas baa dalka iyo dadkaba u dan ah, in la tago weeye, oo  Xildhibaano badani baa ka baxaya Xisbigii Kulmiye, oo waa laga soo taagan yahay maamul xumada, dhaqan xumada iyo hab xumada Xisbiga Kulmiye, waana la arkayaa in Xukuumadda kulmiye dalkii iibisay, Xildhibaan Nacnac, Aniga iyo Xildhibaano kale oo badan damiirkayagu nama siinayo Xukuumadda  oo dalka sidaas u gashay, in haddana ku sii jirno Xisbigeeda Kulmiye, waana ka wada digo rogaynaa, oo Waddani ayaanu ku wada biiraynaa, waxaana umadda u sheegaynaa in aan Kulmiye la isku halayn oo aan loo coddeyn, la iskumana aamini karo, todoba sanno iyo badh ayuu Xukuumadda Kulmiye taladda haysay, dhismayaashii uu Ingiriisku dhisay wey xaraashtay,in wax lagu daro iska daaye, waliba qaab xun oo aanu Dastuurku ogolayn ayey u xaraashtay, musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadduna halka uu gaadhay weynu arkaynaa, wax inaga qarsoona maaha”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Masuuliyiintii shalay iska casilay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Masuuliyiinta is casilay waxay arkayaan maamul xumada Xukuumadda, oo damiirkooda ayaa nool, qofkii damiirkiisu nool yahay, ee fikirayaa ee dalka iyo dadkaba u fikirayaa uu iska casilayaa Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiyaba, in badan baana dawga ama jidka ku soo jirta oo is casilaya,Xisbiga Waddani ayaana xaalada uu dalku maanta ku jiro, inaga saari kara”

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Ololaha ayaa yidhi“Bulshada waxaan leeyahay ololahu waa wax dhawr cisho ah, ee wax diinteenu ogolayn yaan lagu dhaqmin, go’aanka ay soo sareen Komishanka iyo Booliskuna waa go’aan aad u fiican oo aan taageerayo, laakiin waa in go’aanka uu boolisku hirgeliyo, kuwii hirgelinayana waa iyaga, kuwii dhaqan xumada qabanayey ee awooda u lahaana waa iyaga, go’aankana waa go’aan aad u fiican, mana ah go’aan afka laga yidhaahdo, ee waa in sidiisa loo fuliyaa, hablaha iyo inamadana waa in basas loo kala hireeya, oo aan isku bas la saarin”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews