berberatoday.com
Culimda Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebesta Oo Garab Ka Helaya Ciidamada Booliska Oo Hargeysa Ka Qabqabtay Dhalinyaro Sameeynaayay Facaa,il Diinta islaamka Ka Hor Imanaya Saldhigyadana Ku Guray
October 30, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga culimada hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa

habeenimadii xalay ahayd waxay badhtamaha magaalada Hargeysa kusoo Bandhigay Wacyi Galin La Xidhiidha Wanaag farista Iyo Xumaan Reebista.

waxaanay Culimadu suuq waynaha caasimada Somaliland ee Hargeysa soo dhex mariyeen gaadiid tiro badan oo ku rakibnaayeen sameecado uu ka baxayaan quraanka Kariimka ah.

Intaasi kadib ayaa guddigan culimada ah ay isku kala qaybiyeen xaafadaha magaalada Hargeysa,iyaga oo ay wahelinayaan ciidamo,waxaana ay soo qab-qabteen dhalinyaro kala duwan oo dhaqan xumo samaynayay,kuwaas oo ay u taxaabeen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

 

 

Waxaana sidoo kale ciidamada Boolisku ay qabqabteen dhalinyaro iyo gaadiiid fulin waayay kana soo horjeestay go’aankii ay soo saareen ee ahaa inaan la arki karin dhalinyaro jambiyada gaadiidka ka lusha.

Hawlgaladan ay xalay sida wada jirka ah u fuliiyeen guddiga culimada wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland iyo ciidamada Boolisku ayaa salka ku haya ka hortagida wax kaste oo burinaya kana hor imanaya diinta Suuban iyo dhaqanka Islaamka.

Dhanka kale culimada waa wayn ee somaliland ayaa bayaan ay soo saareen waxay u gudbiyeen guddiga komishanka Qaranka Somaliland,waxaana ay ku codsadeen in lasoo koobo ololaha doorashada madaxtooyada ee socda,iyaga oo sheegay in ay sababi karto amni daro,khal-khal iyo waliba dhaqamo aan fiicnayn oo soo kordhay inay sii fidaan,waxaana ay culimadani sidoo kale guddiga usoo jeediyeen in hadii aan la joojinayn ololaha kaliya lagu koobo hadba gobolka uu murrashaxa madaxwaynaha xisbigu ku s ugan yahay.

Codsigan ayaan waxaan wali ka jawaabin guddiga komishanka Qaranka Somaliland,waxaana laga wra sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan guddigu.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews