Nin Baabuur Uu Jiidhsiiyay Dad Ku Laayey Magaalada New York Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay
November 1, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay magaalada New York 11 kalena dhaawac halisa
ayaa gaadhay ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wadaa uu dad ku jiidhay haadka ay maraan dadka baaskiillada wataa wado ku taala xaafadda Lower Manhattan.
Ninka baabuurka waday oo 29 jir ah ayaa markii uu dadka jiidhay ka dhaadhacay baaburka waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah oo waa la xidhay, waxaanay saraakiishu sheegeen in uu ahaa weerar argagixiso.
