Xog sir ah:- Dhaatadii iyo macluumaadkii komishanka xisbiga wadani si qarsoodiya u helay + cida bixisey
November 1, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)- wararka naga soo gaadhaya magaalada hargeysa in dhaatadii iyo macluumaadkii dadka ee komishanku hayey ay helaan xisbiga wadani ayaa waxaa la xaqiijinayaa in shirkada telesom ay siisey macluumaadka dadka kaadhadhka qaatey , gaar ahaan numberada telifoonadooda iyodoo xisbiga wadani kadib markii uu helay numberadii codbixiyaasha uu lacag kula gorgortamey dadkuu wacay telifoonadooda.
Telesom ayaa eedeynta diidey oo ka jawaabtey inaaney bixin wax macluumaad ah , sida la wada ogyahay komishana ayaa qandaraaska ogaysiinta dadka siiyaan ama fariin udiraan in qofka kaadhkiisu yaalo goobta laga bixinayo.
hadaba cida bixisey ee la odhan karo way hayaan telifoonada dadka ayaan la odhan karin waa komishanka oo aha dad udhaartey qaranka