berberatoday.com
Goob-joogeyaasha Caalamiga Ah Oo Ka Hadlay Diyaar-garowga Doorashada Madaxtooyada, Sheegayna In Go’aan-qaadashadu Door Ku Leedahay Wanaaggeeda
November 2, 2017 - Written by Berbera Today

“Doorashooyinka Maaha wax sahlan, ee waa wax ku xidhan Go’aannada laga gaadho, Somaliland-na…” Hoggaamiyaha Goob-joogeyaal ka imanaya 24 Dal

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay Shan Xubnood oo Hor-dhac u ah Goob-joogeyaal Caalami ah oo ka socda 24 Dal, kuwaasi oo kormeeri doona qaabka ay dhacayso Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 13-ka bishan November, 2017-ka.

Warka KoowaadShir-jaraa’id oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Madaxda Goob-joogeyaasha Caalamiga ahi ku qabteen Hargeysa, ayaa waxay ku faahfaahiyeen Ujeeddada ay Dalka u yimaaddeen Goob-joogeyaasha Doorashada Madaxtooyada oo uu Dhaqaalahooda bixiyey Xafiiska Arrimaha Barwaaqo Sooranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo soo dhaweynaya Weftiga Goob-joogeyaasha Hor-dhaca u ah ayaa yidhi “Waxaanu soo dhaweynaynaa Goob-joogeyaasha Caalamiga ah oo ka qayb-gelaya Doorashada Madaxtooyada ee dhacaysa 13-ka bisha November, 2017-ka, kuwaasi oo kormeeri doono Goobaha (Cod-bixinta) ee Gobollada ama Degmooyinku siday u kala sareeyaan, Kooxdani waa kooxdii koowaad oo hor-dhac ah oo waxay yimaaddeen dhowr Maalmood ka hor, waana Kooxda u sii Gogol-xaadhaya Kooxda Labaad oo Dalka imanaya 8-da bisha November, waxayna 10-ka u bixi doonaan Gobollada Dalka, iyagoo Goob-joogeyaal ka noqonaya Doorashada.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay  “Goob-joogeyaashan Dhaqaalaha ku baxaya waxa bixiyey Ingiriiska, waana Goob-joogeyaal aanu soo dhaweynayno inay nagala qayb-galaan Doorashada, waxaana inoo iman doona Lixdan Xubnood.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Goob-joogeyaashu waxay ka socdaan 24 Dal, taasina waxay Caddaynaysaa in Doorashada Somaliland loo han-weyn yahay, waxaana la eegayaa siday u dhacayso Doorashadu.”

Micheal Wolth oo Hoggaamiyaha Goob-joogeyaasha Caalamiga ah, ayaa isaguna Shirka jaraa’id ka sheegay in Doorkoodu yahay inay ka markhaati ka noqdaan siday u dhacdo Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo dareeri doono 13-ka bishan November, waxaanu yidhi “Doorashooyinka Maaha wax sahlan, ee wax ku xidhan Go’aannada laga gaadho, Somaliland-na hadda waxay gaadhi Xaalad Doorasho oo Dabcan noqonaysa Xaalad Kala-guur ah.”

Mr. Micheal waxa kale oo uu sheegay “llaa hadda sidii loogu talo-galay ayay u socdaan Doorashadan, Doorashaduna waa Qof guuleystay iyo Qof laga guuleystay, Qofka laga guuleystayna Murugu ayuu dareemaa inta badan, laakiin Annaga doorkayagu waa inaanu War-bixin ka gudbino sida Doorashadu u dhacday, Cidda guuleysatay iyo Cidda laga guuleystay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay kulamo si gaar-gaar ah ula yeelanayaan Dadka ay khusayso Doorashadu.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews