berberatoday.com
Madaxweynaha Oo Warbixin Kaga Dhegaystay Toddobada Xubnood Ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Dardaaran Iyo Ducana Isugu Daray
November 2, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, kadib markii xubnaha komishanku Madaxweynaha ugu yimaadeen sidii ay warbixin uga siin lahaayeen qaabka ay ilaa hadda u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 12 maalmood.

Kulankan ayaa ugu horreyn Madaxweynuhu ku bogaadiyay xubnaha komishanka dedaalka dheer ee ay ugu jiraan inay waajibkooda guttaan isagoo madaxweynuhu ugu duceeyay in ILLAAHAY ku asturo hawshaas baaxada leh ee ay qaranka u hayaan maalmaha koobanina uga hadhay.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo warbaahinta uga war bixiyay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxaanu maanta (shalay) oo ay bishu tahay 01-Novembar-2017, waxaanu madaxweynaha ugu nimi salaan sharaf iyo inuu noogu soo duceeyo hawsha baaxada leh ee aanu gudo galayno, waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa muddadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu na siiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahad celinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen ma hayno lacag aanu idinku caawino, go’aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad ina caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, waxaanu leenahay saddexda guddoomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, iyo waliba waxaynu galnay kaadh qaybintii”.

Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalsooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka “Waxaanu halkan farriin u diraynaa shacabka reer Somaliland inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota, inay kalsooni buuxda ku qabaan 7-komishanka ahi inay daacad yihiin, diyaarna u yihiin inay qabtaan doorasho xor iyo xallaal ah oo caddaalad ku dhisan, kalsoonidaas waxaanu ka codsanaynaa axsaabta iyo shacabka, waanu dhaaranay markii aanu xafiiskan imanaynay caddaalad ayaanu ku dhaaranay caddaaladiina waanu wadnaa”, ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa kale oo uu sheegay inay xubnaha komishanku u diyaargaroobayo qabsoomida doorashada “Maanta, waxa komishanku u kala baxayaan lixda gobol ee dalka, waana ambabixii u dambeeyay ee loogu diyaargaroobayey doorashada, farsamo ahaana wax inaga dhimmani ma jiraan oo waxa lasoo gaadhay in sanaaduuqdii doorashadu sidii ay goob kasta u tegi laheyd, oo shaqaalihii goobaha ka hawlgali lahaana tabbabarkoodii la sameynayo”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews