|
berberatoday.com
Pakistan Haweenay Nin Aanay Rabin Loo Aroosay Oo Sun Ku Laysay Eheladii Ninkeedii Iyo Ninkii Oo Ka Badbaaday
November 2, 2017 - Written by Berbera TodayKarachi(Berberatoday.com)-Haweenay Aroos aheyd oo ka xun nin lagu qasbey, ayaa sun ku dishay 17qof oo xididkeeda ah, iyadoo rabta inay sumeyso oo disho ninka lagu qasbay. Arrintan waxay ka dhacday dalka Pakistan. Asiya Bibi oo 21jir ah , waaxa lagu qasbay arooska nin eysan rabin iyadoo ninkale ay isjecelyihiin, arooska wa lagu qasbay laakiin arooska kadib xitaa waxay lasii socotay saaxiibkeed, oo ay kulmeen. Waxay qorsheeyeen inay dilaan ninka lagu qasbay, warbixinta waxaa lagu sheegay in Jacaylkeedu uu u keenay sunta la isticmaalay, kadibna waxaa sunta lagu daray Caano- loo sameeyey qaab dhaqameed Pakistaan laga yaqaan. Caanihii ayaa loo qeybiyey marti aroosada soo booqatay oo kulankooda uu qorsheysnaa, waxaa caanihii cabay 27qof , laakiin ninkeeda may noqon in uu cabo. 17qof oo reerkiisa ah iyadana xididkeed ah suntii ayeey ku dhinteen. 10kalena Isbitaalka ayaa lagu daweynaya. Booliisku wuxuu soo xiray gabadhii , ninkii ay isjeclaayeen iyo dhamaan dadkii guriga kala shaqeeyey howshan. waxaana marka hore la baaraya nooca sunta la isticmaalay, kadibna go’aan ayaa laga qaadan doona. Falkan Booliisku waxay ku tilmaameen mid argagixiso iyagoo muujinaya in aan looga dayan haweenka kalena isku deyin in dadka saasi loo laayo, Pakistan caan ayeey ka tahay in guurka lagu qasba gabdhaha yaryar, weliba kuwa qoysaska dadka danyarta ah.
![]() Xugasho Jama Deperani
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||