Dekedda Boosaaso Oo Uu Ka Taagan Yahay Murankii Berbera Oo Kale Iyo Mudaharaaddo Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay
November 3, 2017 - Written by Berbera Today
Dekedda Boosaaso waxa Heshiis Maal-gelineed kula wareegtay Shirkadda Maamusha Dekedda Berbera
Bosaaso(Berberatoday.com)-Inta la hubo hal Qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday dibed-baxyo rabshada watay oo Shalay galinkii hore ka dhacay qaybo badan oo kamid ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso.
Dibad-baxyadan ayaa ka dhashay sida la sheegay xidhnaanshaha Dekedda Magaalada oo muddo Toddobaad ah aan si caadi ah u shaqaynin iyo sara kac ku yimid Qiimaha Raashinka.
Ciidanka amniga magaalada Bosaaso ayaa rasaas ku kala eryay diba-baxayaasha oo xidhay inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada, waxaana gabi-ahaan-ba la xidhay goobaha ganacsiga ee magaalada.