“Ma Aniga Oo Ay Ii Muuqato Guushii Oo Kulmiye Ah, Ayaan Waddani Ku Biirayaa! Maya..” Wasiir Xaglo-toosiye oO Fagaare Kala Hadlay Shacabka Reer Laascaanod”Daawo Muuqal
November 4, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa Bulshada ku dhaqan gobolka Sool ugu baaqay inay Codkooda siiyaan Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici, mar uu maanta Khudbad ka jeediyey Isu-soobaxa maalinta shanaad ee ololaha Kulmiye oo ay Musharraxa Xisbigaas, Wasiirro iyo Masuuliyiin Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ka tirsani kaga qaybga qaybgaleen Ololaha.