berberatoday.com
Sheekh Aadan-Siiro oo ka Digay Koox uu Sheegay inay Khalkhal-gelin Karto Doorashada Somaliland
November 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka digay Koox uu tilmaamay inay khalkhal-glein karto doorashada Somaliland, isla markaana waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada jeedsano ilaalinta Nabadgalyada Qaranka Maalmaha lagu jiro Doorashada Madaxtooyada ee qabsoomaysa 13-ka bishan aynu ku jirno, maaddaama oo ay Tahay Xaasaasi, sida uu hadalka u dhigay Sheekhu.

SHEEKH AADAN-SIIRO

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Arrimo badan oo Muhiim ah, ayaa si gaar ah Dadweynaha ugu baaqay inay ka digtoonaadaan Dad uu sheegay inay u shaqeynayaan Cadowga Somaliland isla-markaana doonayaan inay Mushkilad ka sameeyaan Dalka Maalinta Doorashada Madaxtooyada oo Haddii Alle yidhaahdo ku beegan 13-ka bishan November, 2017-ka.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Wakhtigan kala-guurka ah Nabadgalyada aad ha loo ilaaliyo, Dad badan baa innagu dhex jira.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay inay Dalka ku sugan yihiin Dad uu sheegay inay Cid kale u shaqeynayaan “Nimankii yaryaraa Dad u adeegayaa way joogaan Magaalada, waxay ku talo-galeen inay doorashada Gudaheeda sameeyaan Khalkhal badan, markaa inaynu ka digtoonaano, oo Masaajiddada oo dhami ilaaliyaan, Odayaashu ilaaliyaan, Aqoonyahanka iyo Dhallinyaradu ilaaliyaan, oo Cidda innagu soo korodha aynu ogaano, oo Qof walba innaga oo wada jirna aynu halkiisa ku qabaa waa tii innaga dhaxaysay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay Doorashada si Nabadgalyo oo Qurux badan ha innagu dhaafiyo, kii Dadka u khayr badan ILAAHAY baa og, eek ii Khayr badan ILAAHAY Dadka ha u keeno, ILAAHAY ha keeno Dadka, Dalka iyo Diintaba u wanaagsan..”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews