War Deg Deg Ah”Sheekh Saleeban Saciid Cali Agaasimihii Guud Ee Dhawaan Xilka Iyo Xubnimada Xisbiga Kulmiye Iskacasilay Oo Dib Ugu Laabtay Xilkii Iyo Xisbigii Kulmiye Iskana Casilay Xisbiga Waddani Uu Afar Maalmood Katirsanaa
November 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimihii Guud ee Wasaarada Diinta Iyo awqaafta Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo wiigan horaantiisii iskacasilay Xilkii Xukumada Iyo Xubnimadii Xisbiga Kulmiye oo uu katirsanaa Golihiisa dhexe kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani kalana qeyb galay laba maalmood Ololaha doorashada magaalada Berbera mudo afar maalmoodana xisbigaas ka tirsanaa ayaa war hada soo dhacay sheegayaa in warbaahinta Hargeysa Kula hadlay dibna ugu laabtay xilkii wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo xisbigii Kulmiye ee uu hore isaga casilay.