berberatoday.com
“Puntland hadday Nabadgelyada iyo Deris-wanaaggu Deeqi waayaan Dalkayaga Difaaciisa Waannu..” Wasiirka Arimaha Gudaha Yasin Faratoon Xiir
November 5, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa jawaab adag u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand oo ku dhawaaqay hadallo lid ku ah doorashada madaxtooyada ee Somaliland  iyo in ay faro gelin ku samayn  doonaan deegaano ka tirsan gobollada bari ee dalka.

Waxa kaloo uu Wasiir Faratoon uu ka hadlay isu soo bixii ololaha doorashada madaxtooyada ee shalay ee magaalada Laascaanood oo uu shalay u lahaa Xisbiga KULMIYE  oo uu sheegay in si wanaaagsan  u dhacay isla markaana warbaahinta qaar uu tilmaamay in ay si khaldan warar uga qortay.

Wasiirka Daakhiligu wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyay Wargayska Dawan. Ugu horrayn Wasiirka oo la waydiiyay siduu u arko hanjabaad ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland oo  sheegtay in deegaanno ka mid ah bariga Somaliland in ay dagaal ka xigto haddii la geeyo sanaduuqda doorashada madaxtooyada gobollada Sool iyo Sanaag bari , waxaannu yidhi “Somaliland waa dal xor ah oo ah qaran madaxbannaan oo arrimihiisa u madax-bannaan cidna uga fasax qaadan maayo doorashooyinkiisa iyo deegaanadiisa siday uga qabsoomayso, maamul goboleedka Soomaaliya  ee Puntland,  waxaan leeyahay waxay dani idiinku jirtaa in aad ilaalisaan deris wanaagga iyo nabadgelyada doorasahda Somaliland ka qabsoomaysaana maaha mid dhul cid kale ay leedahay aanu ku faro galinayno waxay doorashadu ka qabsoomaysaa waa Somaliland cidda la dooranayaa waa Somaliland,  cidda tartamaysaa waa Somaliland.”Ayuu yidhi Faratoon

Markaa Puntland Hadday nabadgelyada iyo deriswanaagu deeqi waayaan,  dalkayaga difaaciisa waanu u joognaa,  cidna uga dul qaadan mayno in ay faro galin ku soo samayso dalka iyo dadka Somalland,Puntland,nabad iyo jaar wanaag in aanu ku wada noolaalno hadday diido colaadna waxba cidna kuma yeeli karto dhulna wax la isa siiyo maaha,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon..

Waxa kaloo uu  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay munaasibaddii ololaha Xisbiga KULMIYE ee Laascaanood ee shalay oo la sheegay in shaqaaqo ka dhacday,waxaannu yidhi “Laascaanod waxaa ka dhacday munaasbad aad u qiimo badan oo sidii ugu waynayd loogu soo baxay maanta(shalay) xisbiga KULMIYE waxaanay dadka magaalada Laascaanood mujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE, laakiin waxaa jirta wax aan ahayn in dhibaato laga dhigo oo la syaasadeeyo oo ah in dhallinyaro isku yara buuqday in askari xabad kor u riday taasoo iyada lafteedu degdeg ahayd oo askari aan waxba hubsani uu xabada riday, laakiin xabadaasi cidna wax may yeelin hannaankii munaasibadu u socotayna waxba kamay beddelin.

Xigasho Wargeyska Dawan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews