|
berberatoday.com
Xuska Sannad Guuradii 24aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland,Iyo Madaxweynaha Oo Khudbad Taariikh ah Ka Jeediyay
November 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Somaliland, isagoo Madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaqa oo markii u horreysay ay yeesheen ciidanka booliska Somaliland, kaasi oo noqon doona xarunta guud ee looga arrimiyo ciidanka booliska, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo gaadiid tiro badan oo aad u qallabaysan oo ay ciidammadu yeesheen markii u horreysay 24 kaa sanno.
Munaasibadaasi oo ahayd mid qiimo gaar ah u leh qaranka iyo Madaxweynahaba, waxa khudbado ka jeediyey hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganey) oo isagu ka hadlay kiisaskii sanadkan 2017, isbarbar dhigna ku sameeyey 2016-2017, taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay waxqabadka u soo kordhay booliska intii uu gacanta ku hayey, Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dedaalada ciidanka booliska.
Waxaana munaasibadaasi soo xidhay oo khudbad ka jeediyey madashaasi Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliye Ku-xigeenka, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidan weynaha Booliska, Xubnaha Xukuumadda iyo Marti Sharafta kale,
Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 24aad, ee Aasaaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahad-celinayaa Ciidanka Booliska iyo dhammaan Ciidammada kale ee Qaranka, sida hagar la’aanta ah ee ay u gutteen waajibaadkooda shaqo, muddadii toddobada sanno ahayd, ee aan dalka hoggaaminayey.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahadii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aaminsanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa xusid mudan, billicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa inay ka mid yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hirgelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka.
Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaynu ku jirnaa gebagabadii, iyo maalmihii ugu dambeeyey ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo tallada dalka haysay laga soo bilaabo 27-kii, bishii 7-aad, sannadkii 2010-kii. Dhinaca kale, haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada.
Sidoo kale, waxaan ku kalsoonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xudduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka. Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka.
Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland farrayaa inay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan hawlaha Doorashada Madaxtooyada”.
Wa Billaahi Tawfiiq…
Berberatoday.com
COMMENTS
|