|
berberatoday.com
Saddexdii Madaxweyne-ku-xigeen ee Hore JSL Soo Maray Oo Si Wada Jir Ah Usoo Saaray Farriin Nabadgelyada Ku Saabsan
November 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddexdii Madaxweyne ku xigeen ee soo maray JSL, ayaa si wada jir ah farriin ugu diray Xisbiyada Qaranka iyo guud ahaan Bulshada Somaliland.
Ujeedada farriintan ay sida wada jirka ah usoo saareen Saddexdii Madaxweyne ku xigeen ee hore oo kala ah Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ku saabsan ilaalinta Nabadgelyada iyo Qaranimada, isla markaana waxay ka digeen hadalada xannafta leh ee kala fogeyn kara bulshada inay ka waantoobaan madaxda Xisbiyadu.
Sidaana waxa lagu cadeeyay War-saxaafadeed ay soo saareen Masuuliyiintan oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, oo u dhignaa sidan.
“Bismillahi, Al-raxmaani Al-raxiim:
“Annagoo ah Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu waqtigan xasaasiga ah ee dalkeenu marayo talooyin usoo jeedinaynaa madaxda saddexda xisbi qaran, gaar ahaan murrashixiinta iyo bulshoweynta reer Somaliland.
Sida aynu wada ogsoonnahay waxa innagu soo fool leh doorashadii madaxtinimada Somaliland oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi qaran; KULMIYE, UCID & WADDANI. Markaa waxa la gaadhay waqtigii ay madaxda xisbiyadu ka hadhi lahaayeen hadallada xannafta leh ee naxliga abuuraya ee bulshada dartood u kala qeybsantay sii kala fogeynaaya, taasoo waxyeelo weyn u geysan karta nabadgelyada iyo midnimada ummadda ay madaxda u yihiin. Nabadgalyada oo ah raasamaalka ugu weyne ee dadka reer Somaliland maanta haystaan.
Waxa kale oo looga baahan yahay murrashiixinta inay tageerayashooda ku waaniyaan inay tartan xallaala tartamaan oo ka madhan xummaan iyo xasarad horseedi karta kala fogaanshaha bulshada walaalaha ah, isla markaa madaxda tartamaysaa waa inay maanka ku hayaan sidii ay u hannan lahaayeen hoggaanka dal, nabadda iyo bulsho walaalo ah.
Sida la ogsoon yahay Somaliland waxay horrey u soo martay doorashooyin dhawr ah, waxaanay Illaahay mahaddii haka gaadhee kaga soo gudubtay wadajir iyo isku tannaasul. Maantana indhaha caalamku way ina dhawrayaan bal sida aynu tijaabadan agu soo baxno, saaxiibadeen waxay sugayaan war farxad geliya, cadowgeena mid kaa ku liddi ah.
Haddaba, iyadoo Illaahay lala kaashanaayo waxaynu marxaladan kaga gudbi karnaa innaga oo idaylkeen gacmaha is-qabsanna, xisbiyadeena oo si hufan u tartama, nabadgalyada oo kulligeen ciidan iyo shicib xil weyn la iska saaro.
Dadweynaha reer Somaliland waxa laga rabaa inay aad ula shaqeeyaan guddiga doorashooyinka iyo ciidammada ammaanka ee heeganka u ah dhawritaanka nabadgelyada, codkoodana u dhiibtaan si hufan oo xasilloon. Sidoo kale bulshadu waa inay u diyaar-garooban in dhinac looga soo wada jeesto cid allaale ciddii ku kacda wax nabadgalyada iyo xasillooni dadka khalkhal gelinaaya.
Xisbigii Illaahay qadaro inuu badiyo ayaa badin doona, inta kalena waxa looga baahan yahay ku qancidda natiijada doorashada, hannaynta iyo hambalyeynta cidda guulaysata, sidii awalba caadada inoo ahayd.
Ugu dembayn, waxaan Illaahay innooga baryeynaa inuu xaqa ina waafajiyo, hawlaha innagu soo aadana si nabadgelyo innoogu dhammeeyo. Dalka iyo dadka reer Somaliland waxaan u rajaynaynaa, Nabadgelyo, bashbash, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi.
Berberatoday.com
COMMENTS
|