Amiir U Dhashay Dalka Sacuudiga Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed
November 7, 2017 - Written by Berbera Today
Sucuudiga(Berberatoday.com)-Amiir Mansuur Bin Maqran oo ahaa ku xigeenka Amiirka mandiqada Casiir ayaa
ku geeriyooday shil Diyaarad oo nooca hilokobtarka ah, waxayna ku burburtay Konfurta Sacuudiga oo dhacda Xuduuda sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.
Wakaaladda wararaka rasmiga ah ee Sacuudiga(WAS) ayaa soo warisay in Amiirka dhintay uu xiligaasi ku jiray kormeer mashaariic horumarineed ee ka socotay Xeebaha bari ee magaalada Abha,waxaana la sheegay in xiriirkii diyaarada shilka gashay ee amiirku la socoday uu go’ay xilli ay maraysay meel u dhaw halka lagu magacaabo Rida.