Dawladda Xamar Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Doorashada Somaliland
November 8, 2017 - Written by Berbera Today
“Waxaan ku Bogaadinaynaa Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed…” War-murtiyeed ka soo baxay Shir lagu soo gebogbeeyay Muqdisho
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya lagu soo gebogabeeyay Shir uga socday Dawladda dhexe ee Maamul-gobolleedyada Dalkaasi.
Shirkan oo lagu Xallinayey Khilaaf Siyaasadeed oo dhex yaallay Dawladda Federaalka iyo Maamul-gobolleedyada, ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed lagu soo ururiyey waxyaabaha ay ku heshiiyeen dhinacyada uu Shirku u socday.