Hogaamiyaha Gobolka Catalonia Ee Dalka Spain Oo Fariin U Diray Midawga Yurub
November 9, 2017 - Written by Berbera Today
Barcelona(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Catalonia ee musaafuriska dibadda ugu maqan Carles Puigdemont ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub in ay aqoonsadaan natiijada doorashada Catalonia ee dhici doonto bisha soo socota.
Carles Puigdemont waxa uu sheegay in ay habboontahay in reer Yurub ay aqoonsadaan natiijada doorashadaasi xitaa haddii ay horseedeyso in gobolkaasi uu ka go’o Spain inteeda kale.
