berberatoday.com
Shacabka Reer Laascaanood Oo Ku Barraarugay Hagar-daamooyinka Puntland La Damacsan Tahay, Ugana Digay Inay Faro-geliyaan Doorashada Somaliland
November 9, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa ka dareen-celiyey Go’aan uu Baarlamaanka Maamul-gobolleedka Puntland doraad soo saaray, kaasi oo nuxurkiisu ahaa inaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland ka dhici Karin Deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay Mulkiyaddooda sheegtaan.

Warka Koowaad 1Dadweynaha Reer Laascaanood oo Warbaahintu Makarrafoonnada la dhex martay, ayaa si isku mid ah u sheegay in Go’aanka Baarlamaanka Puntland uu Markhaati u yahay inay ka xun yihiin Horumarka ka hirgalay Laascaanood tan iyo Sannadkii 2007 oo Somaliland si buuxda Gacanteeda ugu soo celisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta u ah Gobolka Sool.

Dadweynaha oo u badnaa Rag Dhallinyaro ah iyo Waxgaradka Magaaladaa ku nool, ayaa sheegay in Puntland aanay xukumin Laascaanood oo ay Somaliland oo ay Dhulkeeda ka mid tahay Maamusho isla-markaana Doorashadu ay uga dhici doonto sidii ay horeba uga dhici jirtay.

“Nimanka Reer Puntland ee iska hadlay ee yidhi Gobollada Somaliland ka taliso Doorasho kama dhici karto, waxaanu leenahay waad iska hadasheen oo nama mattashaan.” Ayuu yidhi, Muwaadinkii ugu horreeyay ee Aragtidiisa ka dhiibtay Hadalka ka soo yeedhay Baarlamaanka Puntland.

Muwaadin kale oo isaguna hadalka Puntland aragtidiisa ka dhiibtay ayaa sheegay “Go’aanka ay Xildhibaannada Puntland ku sheegeen in aan Sool iyo Sanaag aanay Somaliland ka qaban Karin Doorashada Madaxtooyada haddii aan idhaahdo waa Go’aan wanaagsan, waxaan leeyahay Goormaa Puntland ugu dambaysay Sool, waxa laga yaabaa inay Toban sano ugu dambaysay, markaa waxaan Hadalkaa u arkaa inuu khaldan yahay.”ayuu yidhi, isagoo ku taliyey in aanay naftooda ku soo biimaynin Laascaanood iyo Guud ahaan Gobolka Sool.

Dhallinyaradu Aragtidooda ka dhiibtay Arrintan ayaa muujiyey in Shacabka reer Sool ka koreen dareenkii qabyaaladeed ee Maamulka Puntland adeegsan jiray markuu doonayo inuu Qorsheyaashiisa fushado, “Go’aanka Baarlamaanka Puntland waxaan u arkaa Khalad, waayo? Gobollada Sool iyo Sanaag Somaliland ayaa ka talisa, amnigana Somaliland baa Gacanta ku haysa, markaa Doorashadu si wanaagsan ayay u dhici doontaa, Puntland-na waxaan leeyahay kama talisid ee ka fiirso Go’aankaasi.”ayuu yidhi, Muwaadin ka mid ah Dadweynaha reer Laascaanood, isagoo Xilliga uu hadlayey ay Wejigiisa ka muuqatay sida uu uga cadhooday Hadalka lidka ku ah Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee ka soo yeedhay Puntland, waxaanu intaa ku daray “Laascaanood waa Somaliland, Doorashaduna way ka dhacaysaa, Awalna way ka dhici jirtay, Puntland waxaan leeyahay ma odhan kartaan oo awood uma lihidin inaad ka hadashaan meel Toban Sannadood ka hor ay idiinku dambaysay. Madaxweynaha waxaan leeyahay Horumarka Laascaanood  inaad khalkhalisaan waa Edab-darro, waxaanan u arkaa inay Horumarka Laascaanood ka soo horjeeddo Puntland.”

Muwaadin kale oo isaguna soo bandhigay Aragti aan ka fogayn ta Muwaadinka ka horreeyay “Baarlamaanka Puntland waxaan u sheegayaa Tan (Laascaanood) Dhulbahantaa haysta, Somaliland-baana ka shaqaysa, Idinku kama talisaan ee ha isku ciyaarina, tan Dawlad-baa ka dhisan, Doorashadaa ka socota, markaa waxaan idinkula talinayaa, tiina haysta.”ayuu yidhi.

Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Somaliland sheegta, isagoo Daliil ka dhiganaya in Dadka dega deegaannadaasi iyo Reer Puntland isku hayb yihiin, Isagoo Maamulkaasi iska indho-tiraya Xudduudka u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay. Laakiin Aragtiyaha Shacabka Laascaanood ka dhiibteen go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa muujinaya in Shacabku Gobolka Sool barraarugay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews